Wasiir-ku-xigeenka cuusub ee Kalluumaysiga waxa uu iska casilay xilkii xalay Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay

Wasiir-ku-xigeenkii xalay loo magacaabay Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdiqaadir Maxamuud Dhago-wayne, ayaa goor dhawayd sheegay in aanu qaban karin xilka uu xalay u magacaabay madaxweyne Siilaanyo isla markaana uu ka cudur daartay.

Cabdiqaadir Dhagowayne ayaa ku sababeeyay cudurdaarkiisa in aan lagala tashan xilkan loo magacaabay, isla markaana aanu diyaar u ahayn in uu xilkaasi qabto.

Dhagowayne ayaa xilkan loo magacaabay isagoo dalka ka maqan kuna maqan dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan magaalada Dubia.

Dhinaca kale, iyaguna waxa isa soo taraya wararka sheegaya in masuuliyiin kale oo xalayย  uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay ay is casili doonaan.

bandhige@gmail.com