Maxkamadda Bristol ayaa saddex dhallinyaro oo Soomaali ah shalay u goysay xabsiyo dhaadheer oo u dhexeeya 8 sanno ilaa 16 sanno kadib markii lagu helay faro-xumayn ay u gaysteen gabdho Ingiriis ah oo ciyaalo-iskuul ah oo qaarkood 14 jir yihiin.
Magacyada dhallinyarada ayaa lagu sheegay Zekeriye Sheekh, Maxamed Daahir iyo Cabdirashiid Cabdillaahi.
Waxa ugu xukun dheer Zekeriye oo lagu xukumay 16 sanno halka Maxamed iyo Cabdirashiidna min 8 sanno lagu xukumay.
Sida ay qortay jariiradda Daily Mail , inamadan ayaa caado ka dhigtay in ay hablaha siiyaan daroogo miyir doorisa kadibna ugu galmooday si sharciga ka baxsan iyagoo hablahaana ula baxay naanaysta ah “hablo jaban oo sahlan.”
Waxa sidoo kale lagu helay in ay ka ganacsanayeen isla markaana iibinayeen daroogooyjnka nooca mamnuuca ka ah dalka Ingiriiska.
Saddexdan wiil waxay ka mid ahaayeen ilaa 8 Soomaali ah oo lagu soo oogay dacwad kugsi ah laakiin shantii kale waa la sii daayey.
Waxa baryahan dambe Ingiriiska soo badanaya dhallinyarada Soomaalida ee loo xabiso dambiyada noocyadooda kala duwan, gaar ahaan dambiyada la xidhiidha kufsiga iyo ka-ganacsiga daroogada.
Bandhige News
Bandhige@gmail.com