Askar lagu laayay Maraykanka

 

Booliska gobolka Iowa ee dalka Maraykanka ayaa shacabka uga digay halista nin hubeysan oo toogasho ku dilay labo askari oo booliska ka tirsan.

Booliska ayaa ninkan ku sheegay Scott Michael oo ah nin caddaan ah oo 46 sanno jir ah. Waxay sheegeen in mid ka mid ah askartan la dilay isaga oo dhex fadhiya baabuur uu roondo ku sameynayay, bannaanka magaalada Des Moines.

Ku dhawaad 20 daqiiqo kadib boolisku waxa ay arkeen meydka askariga labaad oo isaguna lagu dhex toogtay baabuurkiisa.

Ilaa iyo haatan ma cadda ujeedada loo laayay askartan.

Maraykanka waxa haatan ka socda ololaha doorashada Madaxweynaha Maraykanka oo galay todobaadkii u dambeeyey.

bandhige@gmail.com