Saddexda xisbi oo isla gartay in Sabtida laga doodo sidii xal siyaasi ah loogu heli lahaa dib-u-dhaca doorashooyinka

Saddexda xisbi qaran ayaa markii u horeysay tan iyo markii ay Guurtida Somaliland muddo-kordhinta samaysay maanta kulan ku yeeshay Ambassador Hotel Hargeysa.

Shirka waxa guddoominayey Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” waxana goobjoog ahaa Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi “Cirro”, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo madax kale oo xisbiyada ka socotay.

Dhammaadkii shirka waxa hadal u jeediyey saxaafadda Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay barbar taagan yihiin guddoomiyeyaasha Waddani iyo UCID ayaa wuxuna sheegay in saddexda xisbi uu midiba dhinac ka soo istaagay muddo-kordhinta laakiin lagu ballamay in xisbi waliba isku noqdo Khamiista iyo Jimcaha kadibna dood iyo wada-hadal Sabtida la iskula soo noqdo.

“Markii aanu arrinta dhinac walba ka eegnay, waxanu isla eegnay ajandihii shirka iyo sidii aan u gudagali lahayn annaga oo si walaaltinimo ah oo niyadsami leh isula qaadanay ajandaha iyo sida uu shirku u soconayo.”

Guddoomiye Muuse oo hadalka sii wata wuxu yidhi “waxanu isla qaadanayey in arrintaa qoloba meel iska taagtay ee dib-u-dhaca doorashooyinka aanu u helno xal siyaasi ah oo saddexda xisbiba ku qancaan”

Saddexda xisbi waxa ay isla qaateen in xisbi waliba dhiniciisa Khamiista iyo Jimcaha isku noqdo Sabtidana la gudo galo doodda la xidhiidha xalinta khilaafka ka dhashay muddo-kordhinta.

Shirkan wadatashiga xisbiyada oo uu Madaxweyne-ku-xigeenku ku baaqay 12kii May ayaa waxa soo dhex galay xuskii 18-kii May kaas oo sababay in uu qabsoomo maanta, 8 maalmood kadib maalintii lagu dhawaaqay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo 12kii May, maalintii uu shirka ku dhawaaqay, waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in aan laga gorgortamayn muddo-kordhintii ay guurtidu samaysay laakiin laga wada hadlayo sidee khilaafka loo suulin karaa aminiga loo adkayn karaa.

Ma cadda in xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddu ay go’aankoodii hore ka soo dabceen, haseyeeshee sida uu carrabka ku dhuftay Guddoomiye Muuse Biixi wuxu wada-hadalku diirradda saari doonaa muddo-kordhinta.

Bandhige@gmail.com