Saddexda Xisbi Qaran waxay si wada jir baaq ugu direen beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Deegaanka Darar-weyne

 

Hoggaanka saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa si wada jir ah ugu baaqay in degdeg loo joojiyo colaadda beelaha walaalaha ku dhex maraysa deegaannada Darar-weyne iyo Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Baaqan wada-jirka ah oo uu qaban qaabadiisa lahaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayey hoggaamiyayaashu shacabka walaalaha ah ku dhiirrigeliyeen inay ka waantoobaan colaadda iyo nacaybka, waxana ay ka codsadeen inay nabadda, wada noolaanshaha iyo wada dhalashada muhiimad gaar ah siiyaan.

Ku-xigeenka xog-hayaha guud ee xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax, guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo kulankan baaqa ah ka hadlay, ayaa shacabka walaalaha ah ugu baaqay inay u guntadaan nabadda, isla markaana tirtiraan wax kasta oo colaad iyo cunfi ka dhex galin kara dadka walaalaha ah ee xurguftu dhex taallo.

Hoggoomiyayaasha saddexda xisbi qaran waxa uu bulshada ku dhaqan deegaannada Ceel-afweyn iyo Darar-weyne dib u xasuusiyeen qiimaha iyo nabadda iyo wada noolaanshuhu leeyihiin, iyaga oo ku adkeeyey inay dhawraan walaaltinimada iyo wada-jirka umadda.

Ku-xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahir (Cirro), ayaa bulshada walaalaha ah ka codsaday inay nabadda adkeeyaan, isla markaana u midoobaan sidii ay u damin lahaayeen colaadda dib u hulaaqantay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna shacabka deegaanada Ceel-afweyn iyo Darar-weyne inay xil weyn iska saaraan nabadda iyo wada-jirka dhexdooda ah, isla markaana ay maanka ku hayaan wada-dhalashadooda iyo danta guud ee ka dhaxaysa.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com