Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u Fadhiya wadanka Jabuuti Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed oo uu….

wehelinayo Safiir Ku-xigeenka Safaaradda JSL ay ku leedahay Jabuuti, ayaa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti kusoo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Xasan Maxamed Cali – Gaafaadhi, kaas oo safar shaqo ku jooga dalka jabuuti.

Ambassador Cabdifataax, waxa uu wasiirka kusoo dhaweeyey gudaha Madaarka Caasimadda Jabuuti ee magaaladda Jabuuti, iyada oo safiirku ku qaabilay wasiirka qaybta nasashada ee madaarka (VIP Terminal).

Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Wasiir Xasan Gaafaadhi, ayaa si weyn uga mahadceliyay soo dhaweynta Balaadhan ee lagu qaabilay, isagoo ku amaanay Safiirka iyo ku-xigeenkiisaba sida hawl-karnimada leh ee ay ka safaarad ahaan u gudanayaan waajibaadkooda, Wasiirka Caafimaadka JSL ayaa dalka jabuuti u jooga hawlo shaqo isaga oo ku sugnaan doonaa maalmaha soo socda.

Xigasho:Telefiishanka Qaranka somaliland

Bandhige@gmail.com