Sagaal iyo toban qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Manchester

 

Sagaal iyo toban qof ayaa ku dhintay, 50 kalena way ku dhaawacantay weerar la rumeysan yahay in uu ahaa mid aragagixiso oo ka dhacy saaxaada lagu qabato munaasabadaha heesaha oo ku taalla magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen dhawaaq xooggan markii ay dhammaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay Maraykanka.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in ay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga gala xarunta.

Halka laga raaco tareenada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xidhay, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

Waxa sababay qaraxa lama garanayo, balse Raysal-wasaaraha Ingiriisku Theresa May, ayaa sheegtay in falkani ula dhaqmayaan in uu yahay mid argagixisnimo.

Warar aan la xaqiijinin oo laga soo xigtay mas’uuliyiin aan magacooda la sheegin oo Maraykan ah ayaa sheegaya in qof is qarxiyay uu weerarkaasi geystay.

bandhige@gmail.com