Theresa May waxay hakisay ololihii doorashada kadib weerarkii Manchester ee ay ku dhinteen 22 qof 

Raysal-wasaaraha dalka IngiriiskaTheresa May ayaa hakisay ololaheedi doorashada guud ee dalka muddo labo todobaad ah kadib weerarkii xalay lagu qaaday xaflad bandhig faneed oo lagu qabanayay magaalada Manchester.

Weerarakani ayaa waxaa sidookale ka hadlay axsaabta mucaaridka ee dalkaasi.

Xisbiga Scottish National Party ayaa isaguna baajiyay daahfurka qorshihiisa siyaasadeed ee doorashada oo lagu waday in uu qabsoomo saacadaha soo socda.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ugu weyn Jeremy Corbyn ayaa weerarkani ku tilmaamay dhacdo aad u xun, waxaana sidookale ololihiisa doorashada baajiyay hoggaamiyaha xisbiga Liberal-ka Tim Farron.

Weerarakani ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Ingiriska ayaa waxaa ku dhintay labo iyo labaatan qof, 60 kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana la rumeysanyahay inuu ahaa fal aragagixisanimo.

Dad goob joogayaal ah ayaa BBC-da u sheegay in ay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay Maraykanka

bandhige@gmail.com