Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa ka hadlay xadiga roobka dalka ka daโay, waxaanu sheegay in roobkii Guโga ee curtay 16 March, isla markaana daโayay labadii bilood ee u danbeeyay in ay kor u dhaafeen xadiga roobabkii dalka ka diโi jiray 10-sano ee u danbeeyay, waxaanu xusay in waaxda saadasha hawada ee wasaaradda beeraha laga soo xigtey.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in labada toddobaad ee soo socda la filayo in roobab mahiigaano ahi ay ka daโaan gobollada bariga Somaliland, gaar ahaan gobollada Sool iyo Sanaag, waxaanu bulshada ugu baaqay in laga feejinaado, waxaanu intaas ku daray in gobolka Togdheer ay soo gaadhi doonaan, waxaanu intaas raaciyay in aanay saddexda gobol ee galbeedka aanay ku badnaan doonin.
Geesta kale waxa uu ka warbixiyay kormeer uu ugu tagey beeraleyda gobolka Saaxil, waxaanu xusay in kormeerkaasi uu ahaa xaqiiqo raadin iyo in degaankasta loo daayo wixii midho ah ee ay beertaan, isla markaana degaanada kale looga baahanyahay wax ka duwan in ay beeraha si suuq loogu helo midhihi soo goโay.
Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in safar uu dhawaan ku tagi doono gobolka Sanaag si uu ugu kuurgalo xaalada beeraleyda gobolka Sanaag, waxaanu intaas ku daray in agaasimaha guud iyo wasiirku xigeenka wasaaradda beeruhuna ay kormeer xog ogaal unoqosho ah ay ku tagi tagi doonaan gobollada kale ee dalka.
Gabaโgabadii waxa uu sheegay in ay beeraleyda ka caawin doonaan daaweynta iyo daryeelka dalagyada ay beertaan, waxaanu xusay in ay ugayn doonaan dhakhaatiir iyo khabiiro xagga beeraha ah oo ka caawin doona wixii ay cabasho qabaan beeraleyda dalku si wax-soo-saarka dalka kor loogu qaado.
Bandhige@gmail.com