Shiinaha oo laba bilyan oo doolar ugu deeqay waddamada soo koraya

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jin- Ping oo ka hadlayey shirka Qaramada Midoobay ee ka socda ayaa sheegay in Shiinuhu lacago gaadhaya laba bilyan oo doolarka Maraykanka ay bixin doonaan oo lagu caawin doono waddamada soo koraya.

Waxa kale oo uu sheegay in kordhin doonaan maalgashiga oo ay gaadhsiin doonaan shan iyo toban bilyan oo doolarka Maraykana shan iyo tobanka sanno ee soo socda.

Sidoo kale waxa uu balan qaaday in uu Shiinuhu ka dhaafi doono daymaha uu ku lahaa waddamada dunida ugu saboolsan iyo waddamada ku yaala jasiiradaha yar yar.

Deeqdan Shiinuhu balan qaaday ayaa wax weyn ka tari doonta arrimaha bani-aadamnimada ee ka jirta dunida saboolka ah iyo waddamada soo koraya.

bandhige@gmail.com