Wariye Soo-fadhiiste oo xoriyadiisii dib loogu soo celiyey

Wariye Soo-fadhiiste oo ay ciidamadda Booliisku soo xidheen maalintii ciidii ka dib markii uu Telefishanka Somali Channel ka sii daayey war ku saabsanaa dadweynaha reer Berbera oo salaaddii Ciidal-Adxada ku foodhyey wasiirro ka tirsan xukuumadda oo damcay in ay khudbad ka jeediyaan fagaarihii salaada lagu tukanayey ka hor intii aan salaadda ciidda la tukan ayaa xoriyadii dib loogu soo celiyey maalinta gelinkii danbe.

Sidoo kale wariye oo Soo-fadhiiste oo u shaqaynayey shabakada wararka ee Berber Today ayaa baahisay in wariyuhu ka soomay cuntada.

Wariye Soo-fadhiiste oo xadhigiisa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:

“Alxamdulilaahi calaa salaama, waxaan aad ugu faraxsan ahay in aan xoriyadaydii dib u helay ka dib laba maalmood oo aan si xaqdaro ah ugu xidhnaa saldhiga dhexe ee Berbera, waxaana xadhigayga ka danbeeyey labada wasiir-xigeen ee Warshadaha iyo Xanaanada Xoolaha Cali Dhegoole iyo Cali Gadheer oo ka damqaay warkii aan ka baahiyey maalintii ciida ee reer Berbera ay ku foodhyeen, kuna oriyeen labadaas wasiir ka dib markii ay damceen in ay salaada ciida kaga dhex ololeeyaan iibinta ama wareejinta haamaha kaydka shidaalka Berbera oo reer Berbera iyo guud ahaan shacabka Somaliland ka soo horjeedaan in dad gaara kooto loogu xidho.”

Gebo gebadii waxa uu Soo-fadhiiste ku soo gabagabeey hadalkiisa:

“Waxaan u mahad celinayaan cidkasta oo ka qayb qaadatay in aan dib u helo xoriyadaydii sida suxufiyiinta Gobolada dalka ka hawl gala.

Waxa Soo-fadhiiste ayaa la filayaa in uu shaqadiisa suxufinimo u guto sidii uu awalba u gudan jiray.

bandhige@gmail.com