Taageerada ISIS ee dalka Afgaanistaan sii kordhaysa

Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin sheegaysa in ururka Daacish uu ku leeyahay Afgaanistaan taagerayaal taageersan hawgallada Islaamiyiinta mayalka adagi ka wadaan waddamada Ciraaq iyo Suuriya.

Sidoo sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanku uu ka welwelsan yahay dadaalka uu ururka Daacish ugu jiro in uu joogis xoog badan ku yeesho dalka Afghanistan.

Warbixintan oo ay sheegtay in kooxaha sida weyn u taageer iyo kuwa doonaya in ay abuuraan kooxo sita magaca ururka Daacish ay soo kordheyso.

Warbixintu waxay kale oo ay xustay in xoogagga Amniga ee Afqaanistaan ay ku qiyaasayaan in kooxo badan oo ka tirsan kooxda Daalibaan ay taageeraan ururka Daacish.

Inkastoo aanay wali jirint heshiis u dhexeeya Daacish iyo Daalibaan balse waxa jira kooxo ka tirsan Daalibaan oo taageera kooxda Daacish.

bandhige@gmail.com