Madaxweyne Siilaanyo oo safar shaqo ugu ambabaxay Ayrland

Madaxweyne Siilaanyo oo safar ugu ambabaxay dalka Ayrland

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa socdaal shaqo ugu ambabaxay dalka Ayrland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa intii aanu ka ambabixin maddaarka Cigaal ayaa waxa uu la kulmay Madaxweynihii hore Daahir Riyaale Kaahin iyo Marwadiisa oo ay isku diyaarada ahaayeen.

Ka hor intaa aanu safarka Madaxweynuhu u bixin ayaa waxa warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee maddaarka, waxaanay khudbadiisu u dhignayd sida tan:

Waxaan jecelahay in aan faahfaahin kooban idinka siiyo socdaal rasmi ah oo aan maanta ugu ambabaxaayo wadanka Ayrland oo aan ku tegayo booqosho rasmiya.

Waxaanan kulamo aniga iyo weftiga ila socdaa aan la yeelan doonaa hadii alle idmo madaxweynaha Ayrland iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan isla wadankaasi, anigoo kala hadli doona qadiyada Somaliland iyo sidii loo sii xojinta lahaa xidhiidhka labada wadan, Isla markaana waxaanu u bandhigi doonaa aragtida qaranka Somaliland ee ku wajahan xaqa shacabka Somaliland ay u leeyihiin dawladnimadooda oo muddo dheer dhinac-dhaqaale, degenaansho, siyaasadeed, iyo dawladnimo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga Somaliland ay dadka reer Somaliland ku guulaysteen, una baahan yihiin in gacan laga siiyo hawlahaasi ay ku mashquulsan yihiin dawlada iyo shacbiga Somaliland.

Socdaalkani wuxuu ka mid yahay socdaaladii aan horeba ugu tegi jiray wadamada caalamka si aan ugu bandhigo, uguna qanciyo beesha caalamka waxa ay mudan tahay Somaliland in laga yeelo.

Waxanan sii mari-doonaa Imaaraadka Carabta ka dibna waxa aanu uga sii gudbi doono Ireland. Shacbiga Somaliland waxaan ku waaninayaa in sidii ay awalba heeganka ugu ahaayeen nabadgelyada qaranka ay sii xoojiyaan.

Madaxweynaha waxa safarkiisa shaqo ku wehelina:

  1. Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde
  2. Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan
  3. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Cali Axmed Cali
  4. Weriye Muniir Axmed Cigaal oo ka socday Tv Qaranka

 

DSC_0204 DSC_0249 DSC_0257

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com