Faransiiska oo cirka ka duqaynaya Daacishta Suuriya

Xukuumadda Faransiiska ayaa maanta shaacisay in ay bilawday duqayn dhinaca cirka ah oo ay ku qaadday Daacishta ka dagaallanta Suuriya.

Xukuumadda Faransiisku waxa ay sheegtay in weerarrada ay qaadday ay kala shaqeeyeen kooxaha ka hawlgala Suuriya ee ka soo hor jeeda Daacish.

Sidoo kale, Faransiisku wuxu la-tashi la sameeyey waddamada caalamiga ah ee daneeyayaasha u ah dagaalka Suuriya sida Maraykanka iyo Ingiriiska.

Faransiiska ayaa dagaalkan uu ku qaaday Daacish ku sababeeyey in uu lagama maarmaan u yahay difaaca qarankiisa iyadoo la og yahay in boqolaal dhallinyaro ah oo u dhashay ama ku dhashay Faransiisku ay ka barbar dagaalamaan Daacish.

Bandhige@gmail.com