Shir-guddoonka Wakiillada oo ka heshiiyey gacan-ka-hadalkii, golahana u gooyey fasax laba bilood ah

“Waanu ka heshiinay gacan-ka-hadalkayagii” sidaas waxa yidhi guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo furay shirkii Golaha Wakiillada ee maanta.

Waxa isaguna sidoo kale hadlay Baashe Maxamed Faarax oo sheegay in aanay cidina dhexdhexaadin balse ay dhexdooda iska saamaxeen kadib markii xubnaha Golaha Wakiillada iyo shacbi-weynaha Somaliland ay ka xumaadeen falkaas oo dhacay 12-kii September kadib markii Golaha la hor keenay mooshinkii wareejinta Haamaka Kaydka Shidaalka oo buuq fara abdan dhalliyeye.

Hase ahaatee maanta shirka laguma soo hadal-qaadin mooshinkaas, guddoomiyuhuna wuxu ku dhawaaqay in Goluhu galay fasax laba bilood ah. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in ansixintii ay dabada ka riixaysay xukuumaddu ee Haamaha Kaydka Shidaalka uu ku yimid dib-u-dhac ugu yaraan laba bilood ah, waaba haddii aanay xukuumaddu go’aansan in ay barbar ka dhaafto Golaha Wakiillada.

Gacan-ka-hadalkii dhacay 12-kii September wuxu ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ka dhaca taariikhda Golaha Wakiillada Somaliland, wuxuna dibada u soo saaray ilaa xadka uu durkay khilaafka u dhaxeeya Guddoomiyaha Wakiillada iyo Ku-Xigeenkiisu.

Bandhige@gmail.com