Qaxooti Suuriyaan ah oo dooni la degtay maanta, 17 ka mid ah ayaa geeriyooday

Doon sidday qaxooti Suuriyaan ah oo ka soo kicintay Turkiga iskuna dayaysay in ay Yurub u gudubto ayaa maanta degtay. Waxa halkaas ku naf waayey 17 qof, 5 mid ahi haween ayay ahaayeen, 5 kalena carruur. Waxase badbaaday 20 qof oo kale oo la sheegay in ay iyagu xidhnaayeen koodhka badbaadada ee dadka ka ilaaliya in ay quusaan.

Bilawgii bishan 9aad ayaa dunidu ka argagaxday wiil yar oo Suuriyaan ah oo maydkiisu ku soo caaryey xeebaha Turkiga, taas oo muujisay ilaa heerka ay le’eg tahay dhibaatada la soo daristay dadka Suuriyaanka kuwaas oo ka baxsanaya dagaallo bilaa naxariis ah oo dalkoodii ka socda.

Qulqulka qaxootiga Suuriya ayaa ahaa wixii bishan ugu weynaa ee ay dunidu la tacaalaysay iyadoo waddamo Yurub ahi ay diideen halka ay kuwa kale oo Jarmalku hor kacayaa ay caleemo qoyan ku soo dhaweeyeen.

Weli waxa socda bayhoofka iyo isbiimaynta dadka Suuriyaanka ahi samaynayaan iyadoo sida la sheegay dadka qaxayaa ay isku dayayaan sifo kasta oo ay Yurub ku gaadhi karaan halistu inta ay doonto ha le’ekaato’e.

Bandhige@gmail.com