Shirka Golaha Dhexe ee Waddani waxa uu galay maalintii labaad

Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga Waddani ayaa maanta galay maalintiisii labaad, kaasi oo la soo gebogebayn doono maalinta Sabtida.

Waxa maanta shirka lagu soo marti qaaday aqoonyahanka, dhallinyarada jaamacadaha dalka, siyaasiyiin miisan culus leh iyo waliba borofeesaro jaamacadaha dalka dhiga.
Marti-sharafta lagu soo casuumay maanta Waddani waxay lafa-gur, wax-ku-dar iyo wax-ka-bedel ka soo jeedin doonaan buugga wax-qabadka Waddani haddii uu ky guulaysto doorashada Madaxweynenimada sannadka dambe.

Maalinta ugu dambaysa shirweynahawaza la dooran doonaa musharaxiinta u tartami doona doorashada Madaxtooyadda ee lagu wado in ay dhacdo sannadka dambe.

Inkasta oo Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani yahay mid aan cidi kula tartamayn Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, balse waxa loolan adagi dhex yaalaa musharaxiinta ka soo jeeda Gobolka Awdal ee ku tartamaya jagada musharaxa Madaxweyne-ku-xigeenka Waddani oo ay ku tartamayaa Axmed Muumin Seed Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad iyo Dr Maxamed Cali Cabdi oo ay muddo wada deganaayeen Cabdiraxmaan Cirro Finland.

Ilo-wareedyo ka ag dhow xisbiga Waddani ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Cirro uu dhuumasho dhabarku muuqdo ku taageersan yahay Maxamed Cali Cabdi, isla markaana aan lafilan karin in uu soo baxo Axmed Muumin Seed.

bandhige@gmail.com