Yaa ku guulaystay dooddii murashaxiinta Maraykanka ee xalay?

 

Murashaxiinta madaxweynenimada Maraykanku waxay xalayto wadaageen dooddii saddexaad ahaydna tii ugu dambaysay.

Hillary Clinton laba doodood oo hore ayay ku guulaystay, sidaas daraadeed aad ugumay baahnayn in ay markana guulaysato laakiin Donald Trump ayaa u gaajoonayey in mar uun la yidhaa wuu guulaystay.

Hase ahaatee markana guushu waxay raacday Hillary Clinton sida ay muujiyeen sahan ay dadweynaha ku sameeyeen telefishanka CNN iyo jariiradda Washington Post.

Donald Trump bilowgii doodda wuxuu u ekaa in uu is maamulay, iska ilaaliyey cadhada iyo wax kasta oo keeni kara in laga badiyo lakiin muddo dheer kumuu sii wadin. Iyadoo ay dooddu socotay 30 daqiio ka yar ayuu bilaabay shuqulkii lagu yiqiin ee cadho lahaa, ee aflegaado lahaa, ee hiiftan lahaa.

Taas waxa ka sii darran markii la waydiiyey ma aqbali doontaa haddii lagaa guulaysto wuxu ku jawaabay “hadda taas kama hadli karo” taas oo dadweynaha Maraykanka ku abuurtay shaki ah in uu Trump noqon doono murashaxii ugu horreeyey ee diida natiijada dorashada muddo aad u dheer.

Hillary Clinton xalay waxay ahayd habeenkii ay ugu nidaamsanayd uguna dood fiicnayd. Hase ahaatee waxay marar badan bixisay jawaabo la saluugay. Tusaale ahaan mar wax laga waydiiyey Clinton Foundation oo ah hay’ad khayri ah oo iyada iyo odaygeedu maamulayeen waxay u muuqatay in ay ku hafatay.

Dhaliil kasta oo ay yeelan lahayd se waxa asturay dhaliilaha tiro beelay ee murashaxa la tartamaya.

Warbaahinta Maraykanka badankeedu waxay saadaaliyeen in Hillary Clinton ay Madaxweyne ka noqonayso Maraykanka 8-da November. “Su’aashu hadda ma taagna yaa guulaysanaya, waxay taagan tahay intee in leeg ayaa lagu kala guulaysan doonaa” sidaa waxa qortay Washington Post.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com