Shirka sannadka 2024 ee Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa maanta galay maalintii labaad ahna maalintii u danbeysay shirka.

Shirka ayaa maanta lagu lafaguray mudnaanaha xafiiska guud ahaan iyo gaar ahaan qorshaha sannadka 2024 Guddida Qandaraasyada Qaranka. Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Guddoomiye kuxigeenka, Agaasimaha Guud iyo xubnaha Agaasimayaasha Waaxaha ee Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka.

Shirka oo uu shirgudoominayay Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed ayaa dood dheer lagaga yeeshay qorshaha sannadka 2024 halkaas oo Waaxaha Xafiisku ay si qotodheer u lafagureen mudnaanaha waax kata oo Xafiiska ka tirsan iyo wada shaqeynta Waaxaha ee la xidhiidha fulinta shaqooyinka guud iyo gaar ee Xafiiska.

Waxa sidoo kale kulanka lagu faaqiday kala horreysiinta shaqooyinka iyo mudnaanaha xafiiska ee saddex iyo Lixda bilood ee Sannadka 2024. Shirka ayaa sidoo kale waxa la is la qaatay lagu na ansixiyey qorshaha iyo mudnaanaha shaqooyinka sannadka 2024 kaas oo hirgelinta shaqooyinka iyo qorshayaasha lagu meelmariyey in lagu cabiro nidaamka qiimeynta shaqooyinka la qabtay ee loo yaqaan (monthly and quarterly progress reporting).