Dawladda Itoobiya oo ka Hadashay Iskaashi Millatari oo ay la yeelanayso Jamhuuriyadda Somaliland…W/Q:(Cumar Maxamed Faarax)

Taliyaha Guud ee Ciidamada Millatariga Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa magaalada Addis ababa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ay ka wada hadleen iskaashiga millatari ee labada dal, sida laga soo xigtay taliska guud ee millatariga Itoobiya.Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA, ayaa werisay in weftiga uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka Qaranka JSL Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani loogu soo dhaweeyay si diiran taliska guud ee millariga Itoobiya, halkaasi oo ay kaga wada hadleen qoddobo la xidhiidha iskaashiga dhinaca millatariga ee labada dal.Isfahamkii ay kala saxeexdeen Ra’iisulwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi Cabdi waxa ku jiray iskaashi ballaadhan oo labada dhinac yeeshaan, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha millatariga.

Qore Cumar Maxamed Faarax

Xigasho:Somaliland New agency

Bandhige@gmail.com