Is casilaada, wasiirkii wasaaradda Gaashaan dhiga, Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid).. By :(Sacad Cali Kaahin Balaaki)

Is casilaada, wasiirkii wasaaradda Gaashaan dhiga, Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) uu is casilay marka aynu ku eegno aragtida Siyaasiga ah, waxa laga dheehan karaa xaalado werwer abuuri kara”Inaga oo ka shidaal qaadanayna Biyo diidka uu Wasiir Caateeye ka biyo diiday heshiiska Isfahanka lagu sheegay ee Somaliland Iyo Itoobiya ee la xidhiidha keentayna in uu xilkii wasiirnimo macasalaameyo. sida uu waraysiga ku sheegay xalay markii uu shaaciyay inuu xilkaa iska casilay.Iyada oo aynu ognahay in ay jiraan in badan oo bulshada iyo haldoorkeeda kamidi ay aaminsanyihiin aragtida ex Wasiir Caateeye Fariid oo aanay ahayn aragti isaga ku koobnayn balse fidsan oo dad badani aragtidaa la qabaan.

Iyada oo aynu ka duulayno dareenada ku xeeran sababta keentay in uu Wasiirkasi xilkii wasiirnimo iska casilo. kuna sidkayno in aynu waayo arag ku nahay midhaha laga gurto masuul yidhaahda waxaan iska casilay xilkii aan Qaranka u hayay iyo mid yidhaahda waxaan iska casilay Siyaasaddii Somaliland Iyo mid yidhaahda hankaygii ayaan iska casilay,ba khaasatan masuuliyiinta kasoo jeeda darafyada SL sidii aynu in usoo joognay sanadkii ina dhaafay,e 2023,kiiTaa marka laga yimaado waxa iyana werwerka sii siyaadinaysa in ay Iscasilaada wasiirkani keeni karto arimo aynaan diyaar u ahayn qaybna ka noqon kara xaalada ka taagan Gobolka Geeska ee guur-guuraysa iyo layli gobolayda la dheelayo ee meel ma joogtada ah. taas oo ay iman karto in ay timaado in meelo lama filaan ah ay ka yimaadaan waxyaabo lama filaan ahi

Hadaba waxan kusoo koobi lahaa heshiis kasta oo xukumaddu gasho oo Somaliland wax usoo kordhinaya ama kan imika taagan ee buuqa bulshada ka dhex abuuray ha ahaado ama heshiis kale ha ahaadee, waxa laga maarmaan ah in lagu qanciyo. masuuliyiinta saamaynta ku yeelan kara meel marintiisa ama uu sida gaarka ah u khuseeyo. hadii uu deegaan ahaan u khuseeyo iyo hadii uu shaqo ahaan u khuseeyo,ba, si aanay u dhicin iyada oo marshuuc dheef keenaya la wado aan dhan kale loo leexinin looguna dhigin ama aan qaldan looga dhaadhicinin bulshada ku dhaqan Deegaanka marshuuca laga hirgelinayo, waa hadiiba uu marshuuc horumarineed oo aan dhib lahayn uu yahaye waa wixii dheef leh waxa aan ka hadlayaye ee maaha wax waliba iyo wixii dhagar iyo dhibtaato ah,e waa marka aynu rabno Somaliland wanaagsan oowada jirta wada tashata wax wada leh oo wada socota ”

Fiiro Gaar ah marnaba majirto meel qoraalkaygan kamida oo aan taageero ugu muujiyay heshiiska Isfahanka lagu sheegay ee Somaliland. Itoobiya,

 

By Sacad Cali Kaahin Balaaki

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=pfbid0RhMivWsCxGpVBLatYDTwSYmgwg9BH1aCjYc57LhPHnS2zp4fy1KwFQmFDVr38DHbl&id=100050586305011&mibextid=Nif5oz

Bandhige@gmail.com