Shirkadaha laydhka ee gaarka loo leeyahay waxay qaadaceen, goโ€™aan uu soo saaray Wasiirka Macdantu

 

Kadib Markii Uu Wasiirka Wasaarada Tamarta Iyo Macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale uu shir isugu yeedhay 5 shirkadood oo kamida shirkadaha laydhka u kala baahiya gobolada dalka Isla markaasina ay ka soo qayb galeen shirkado ay kamid ahaayeen

1- Shirkada Laydhka Eeย ย  Gaafane electric
2- Shirkada Laydhka Eeย  National electric
3- Shirkada Laydhka Ee Tec
4- Shirkada Laydhka Ee Gurmad
5- Shirkada Laydhka Ee Som-Power

Ayaa waxaa Shirkaasi dibada uga soo baxay 4 shirkadood oo aanay ku Jirin Shirkada
SOM-POWER oo uu Wasiirku doonayey in uu kooto ugu xidho gabi ahaanba baahinta laydhka dalka balse waxa arrintaasi ka ganafka ku dhuftay Shirkadihii kale waxaanay dibada uga soo baxeen shirkii Wasiirku Iskugu yeedhay.

Shirkadahani ka gadooday in si gaara kooto loogu xidho baahinta laydhka dalka shirkada SOM-POWER ayaa waxa ay warbaahinta kula hadleen afaafka hore ee Wasaarada Macdanta,
Waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Maayeeraha Gaafane Electric Axmed Siciid Cabdi, isagoo goโ€™aankaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Wasiirka Tamarta Iyo Macdanta waxaanu u aragnaa in uu wado Iska horkeen, qas iyo qalalaase iyo amni darro uu ka dhex abuurayo Shirkadaha dhexdooda, waxaanu dibada uga soo baxnay shirkaa uu wasiirku Guddoominayey kadib markuu damcay in uu kooto ugu xidho laydhka shirkada SOM-POWER, haddaan si degdeg ah wax looga qaban Wasiirka ayaa ka masuula wixii ka yimaada.”

Maxamed Xuseen Muxumed (Mareeyaha National electric). Eng. Muuse Cali Cige (Maareeyaha shirkadda laydhka TEC). Maxamuud Jabuutaawi (Maareeyaha shirkadda Laydhka Gurmad oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si isku mid ah u qaadacay goโ€™aanka wasiirku qaatay.

Waxaanay Xukuumadda ugu baaqeen in arrintaasi si deg deg ah u soo faro geliso arrintani, haddii kalena waxay sheegeen in wixii arrintaasi ka yimaadana uu masuul ka yahay Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland.

Halkan hoose ka muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com