Shirkadda Sharaabka SBI oo abaalmarino guddoonsiisay 39 qof

Shirka Sharaabka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano SBI ayaa waxay xalay abaalmarino iskugu jira gawaadhi, Tv-yo, agab kale iyo lacagba guddoonsiisay 39 oo ku guulaystay abaalmarintaas oo lagu dhiiri gelinayey macaamiisha shirkadda.

Madaxa suuq-geynta SBI Maxamed Naasir ayaa waxa sharaxaad ka bixiyey ujeedada abaalmarintay ay wadeen muddada kooban, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

Aniga oo ku hadlaya Afka Shirkadda SBI, waxaan doonayaa in aan u mahad celiyo dadwaynaha ka qayb qaatay barnaamijkan loo yaqaano Cab Fariin Dir Oo Guulayso, waxaana uu barnaamijkani soo socday muddo saddex bilood ah, shirkaduna waa shirkad soo saarta sharaabka noocyadiisa kala duwan, taas oo ku soo saarta magaca shirkadda wayn ee Coca-Cola, shirkadda SBI waxa ay u qaybsan tahay laba qaybood qaybta wax-soo-saarka iyo qaybta qaybinta sharaabka.

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Sababta aanu u bilawnay abaalmarintuna waxa ay tahay dadwaynaha sharaabka SBI caba in ay ku raaxaystaan, isla markaasna ku helaan jaa’isado ama abaal marino, hadaan sharaxaad kooban ka bixiyo qaabkii looga qayb galayey tartanku waxa uu qofku samaynayay caagada sharaabka SBI ayaa Furka Lanbarka Hoostiisa ku qoran ayaa waxa uu ku dirayay lambarka loo yaqaano 944 kaas oo uu ku helayay nasiibkiisa wixii u soo baxa, marka danbena ka qayb galayay tartanka wayn.

Sidoo kale waxay shirkaddu qabatay bishii hore ee Noofambar abaalmarino ay ku guulaysteen macaamiisha shirkaddu kuwaas oo qaarkood ay ku guulaysteen gaadhi, koofiyado, garamaan, tilifoonadda gacanta iyo agab kale.

Abaalmarintan ayaa noqonaysa abaalmarintii labaad ee shirkadda SBI ay bixiso.

 

bandhige@gmail.com