Bill Cosby oo markii koowaad maxkamadda looga yeedhay, eedaymihii kufsiga oo sii xoogaystay

Actor and comedian Bill Cosby (C) arrives for his arraignment on sexual assault charges at the Montgomery County Courthouse in Elkins Park, Pennsylvania December 30, 2015. Cosby was charged on Wednesday with sexually assaulting a woman in 2004 after plying her with drugs and alcohol, marking the first criminal case against a once-beloved performer whose father-figure persona was already left tattered by dozens of misconduct allegations. REUTERS/Mark Makela

Ugu dambayntii maxkamadda ayaa looga yeedhay 78-jirkan Maraykanka ah, Bill Cosby, oo ka mid ah majaajileystayaasha dunida ugu caansan. Waxa lagu soo eedeeyey kufsiga in ka badan 50 haween ah oo Maraykan ah, waxase hadda dacwaddeeda la aqbalay haweenay sheegtay in uu kufsaday 2004-tii.

Xalay ayuu Bill Cosby yimid maxkamadda Philadelphia ee gobolka Pennsylvania ee ku taalla magaaladii uu ku dhashay kuna barbaaray intan uu hawl-gabka noqdayda uu ku nool yahay.

Waxa ay ahayd dhacdo xiiso ku abuurtay dadweynaha dunida, gaar ahaan Maraykanka. Warbaahinta oo aan kala hadh lahayn ayaa is hor tubtay maxkamadda horteeda kadibna waxa lala boobay sawirrada ilaa uu ku libdhayey qolka maxkmadda.

Waxa wejiga Bill Cosby ka muuqday gabow fara badan iyo diif laga yaabo in ay ka dhalatay eedaymahan aan kala joogsiga ahayn ee ku bilaabmay.

BBC-da laanteeda af-ingiriisiga ayaa maanta daabacday warqaddii maxkamadda looga soo jaray, waxana ku qornaa:

“Bill Cosby wuxu ku eedaysan yahay in uu haweenay u galmooday isaga oo aan iyada oggolaansho ka haysan isla markaana aanu miyirkeedu joogin”

Maxkamadaha Maraykanka ayaan ayaa tobankii sanno ee u dambeeyey dheg u dhigi waayey haween tiradoodu 50 gaadhayso oo ku doodayey in maalqabeenkani inta uu koob bun ah wax ugu daray markii ay hawada ka baxeenna ku sameeyey wax aanay raali ka ahayn oo ay ku macneeyeen “kufsi aanay ka warqabin.”

Bill Cosby waa majaajileyste si weyn looga qaddariyo Maraykanka iyo dunida af-Ingiriisiga ku hadasha. Waxa la guddoonsiiyey 11 abaalmarino caalami ah oo taxnaa laga soo bilaabo 1969-kii ilaa 2011-kii.

U yeedhista maxkamadda ee Bill Cosby ayaa warbaahinta Maraykanku ku macneeyaan in ay muujinayso in qof sharciga ka weyni aanu jirin si kasta oo uu caan u yahay ama uu maal u haysto.

Kiiska Maxkamadda Bill Cosby wuxu si rasmi ah u bilaabmayaa bisha labaad ee sannadkan. Haddii arrimaha loo haysto iyo dacwado kale oo sida la aaminsan yahay dhexda ku soo jiraa ay ku rumoobaan wuxu kasban karaa inta noloshiisa ka hadhay in uu ku dhammaysto xabsi.

Hoos ka akhriso war hore oo la xidhiidha Bill Cosby oo uu Bandhige horey u daabacay.

50 dumar ah oo kufsi ku eedeeyey majaajileystaha caanka ah Bill Cosby