Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye oo mar dhaw furmaya, jagada madaxwe-xigeenka oo si adag loogu tartami doono

Shirkii Golaha Dhexe ee muddada dheer la sugayey ee Kulmiye ayaa la filayaa in uu mar dhaw ka bilaabmay Maansoor Huteel iyadoo ay ka maqnaan doonaan dhammaan murashaxiintii Guddoomiye Muuse Biixi kula tartami lahayd jagada murashaxa madaxweynenimo.

Hase ahaatee waxa aad u kulul tartan dhex madaxweyne-ku-xigeenimada ku dhex mari doona Saylici iyo Xaglotoosiye taas oo la sheegayo in uu yahay mid aan la saadaalin karin, walow ay dad qaar hadda werinayaan in tirada Saylici ay saacadihii dambe ee xalay kor u soo kacday taasina ay keeni karto in uu Xaglotoosiye maanta faro-cididood kaga guulaysto, waaba haddii ay dhacdo’e.

Amniga Hargeysa ayaa maanta aad loo adkeeyey gaar ahaana amniga Maansoor Huteel iyadoo hudheelka inta badan laga joojiyey shirarkii kale iyo xafladihii caadi ahaan ka dhici jiray.

Muuse Saylici

Marka laga yimaad is-bahaysiga murashaxiinta Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe oo ugu yaraan laba jeer shirka qaadacay, waxa iyaguna lagu guulaysan waayey in ay shirka yimaadaan labada guddoomiye-xigeen ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed-Cadde iyo Cali Yuusuf. Dhinaca hoggaanka Kulmiye waxa iyaguna maqnaan doona guddoomiye-xigeenka 3aad, iyo ka 4aad, Waabeeyey iyo Talyanle.

Wararka na soo gaadhayey waxa ay sheegayeen in xalay ilaa shalay uu madaxwynuhu dadaal dheeraad ah geliyey sidii loogu qancin lahaa afartan xubnood ee muhiimka ahi in ay shirka yimaadaan laakiin ay go’aankoodii ku adkaysteen isla markaana ay sheegeen in ay la aragti yihiin is-bahaysiga murashaxiinta.

Shirka maanta oo ilaa hadda ajandihiisu uu qarsoodi yahay waxa la filayaa in uu laba maalmood oo kali ah socdo iyadoo la filayo in doorashadu maanta dhacdo beritona xafladaynta iyo xeerar wax yar laga beddelo loo dhigto.

Bandhige kala soco hadba wixii ka soo kordha shirkan.

Bandhige@gmail.com