“Ma jiri doonto suxufi dambe oo si aan sharci ahayn loo soo xidhaa” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa maanta mar uu ka qayb-galay xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland sheegay in aanu jirin doonin weriye dambe oo inta waaran loo soo jar aayar la soo xidhaa. Taas beddelkeeda waxa uu guddoomiyuhu sheegay in suxufiga la soo dacwayn doono haddii ay wax ku caddaadaana markaas sharciga al marin doono.

Suxufiyiinta Somaliland ayaa muddo aad u dheer ka cabanayey in madaxda xukuumaddu ay si sahlan u xidhaan iyagoo maxkamadaha waaran ka soo goosta. Dhinaca kalena xukuumadda ayaa ku eedaysa suxufiyiinta la xidho in ay yihiin qaar aan tabobarnayn oo meel kaga dhaca mihnadda saxaafadda.

Dhawaqan maanta ka soo yeedhay wuxu war wanaagsan u yahay bahweynta saxaafadda Somaliland iyo guud ahaan saxaafadda iyadoo go’aankan cusubi uu si miisaan leh kor ugu qaadi doono xorriyadda saxaafadda Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa go’aanno uu gaadhay intii uu hadda xilka hayey ku kasbaday taageero badan sumcadna ku helay iyadoo ay dad badani aaminsan yihiin in Guddoomiye Aadan uu soo-celiyey haybaddii garsoorka oo ka hor intii aan la magacaabin maraysay halka ugu hoosaysa.

Bandhige@gmail.com