Agaasimaha xarunta xuquuqal insaanka Somaliland oo ka qayb-gashay shirka difaacayaasha xuquuqal insaanka oo ka dhacay Ayrland

Agaasimaha xarunta xuquuqal insaanka Somaliland Guleed Axmed Jaamac shirka difaacayaasha xuquuqal insaanka oo ay ka soo qayb galeen 120 qof ka kala yimid 100 dawladdood.

Shirkan oo sannadle ah ayaa waxa soo qaban qaabisay ururka caalamiga ah ee difaacayaasha xuquuqal insaanka ee magaciisa la yidhaahdo Front Line Defenders.

Ururka xuquuqal insaanka Somaliland ayaa waxa uu soo saaray war-saxaafadeed ay kaga waramayaan shirka ay ka qayb galeen, war-saxaafadeedkani waxa uu dhignaa sida tan:

War-saxaafadeed:

Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland waxay ka qayb gashay 4tii ilaa 6dii November kulan caalami ah oo ay isugu yimaadeen difaacayaal xuquuqal insaan oo tiradoodu gaadhayso 120 qof oo ka kala yimi 100 dawladood oo dunida ka mid ah oo ay Somaliland ka mid tahay. Kulanka oo uu soo abaabulay ururka caalamiga ah ee difaaca difaacayaasha xuquuqal insaanka ee magaciisa la yidhaahdo Front Line Defenders ayaa ah mid sanad leh ah oo ay isugu yimaadaan dadka difaaca xuquuqda aadanaha.

Kulanka waxa sidoo kale ka soo qayb galay diblomaasiyiin, saraakiil dawladeed, ururo caalami ah, saraakiil ka tirsan qaramada midoobay iyo dad kale oo badan. Maalintii u horaysay kulanka waxa furay agaasimaha fulinta ee Front Line Defenerds, Mary Lawlor, wasiiru dawlaha ganacsiga iyo horumarka ee Ireland, madaxa xuquuqal insaanka ee Qaramada Midoobay (UN High Commissioner for Human Rights) Zeid Ra’ad Al-Hussein oo khadka Skype ka kaga qaybgalay, u qaybsanaha Qaramada Midoobay difaacayaasha xuquuqal insaanka (UN Special Rapporteur on the situation of human rights defenders), Michel Frost, wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan xuquuqal insaanka (EU special Representative for Human Rights), Stavros Labrinidis, iyo sarkaal ka socday dawladda Norway.

Intii kulanku socday waxa laga dhegaystay difaacayaasha xuquuqal insaanka xaaladda difaacayaasha dalalka ay ka yimaadeen iyo dal walba xaaladiisu guud ee xuquuqda aadanaha. Waxa la isla jeex jeexay sida ugu haboon ee loo sii horumarin karo xuquuqda dadka dhiban ee dunida ku nool. Waxa kulanku aad isula fahmay inay tahay waajib in talaabo adag oo caalami ah laga qaado kuwa ku xadgudba ee dhibaatada isugu jirta, xadhiga, kadeedka, dilka, jidh dilka, bah-dilaadda iwm u gaysta difaacayaasha xuquuqal insaanka. Iyada oo la garwaaqsaday inay haboon tahay in mararka aan caddaaladda dalalka gudihiisu shaqaynayn inay tahay lama huraan in marino caalami ah la helo si kuwa gardarada badan ee dadka kadeedaa aanay u helin fursad ay sidaas ku sii wadaan iyada oo aan lala xisaabtamin

Xarunta Xuquuqal Insaaka oo uu metelayay gudoomiyeheeda, Guleid Ahmed Jama, fursad bay u ahayd inay ku metelaan Somaliland kulankaas si ay ula wadaagaan dunida kale arimaha ka jira Somaliland waxna looga barto saaxiibada kale si la mid ah difaacayaasha reer Somaliland ku hawlan u hadalka iyo difaaaca inta dhiban.

 

Hana Abdisalaan Mohamed

Gudoomiye ku xigeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka

Email: hana.mohammed253@gmail.com  or hrcsomaliland@gmail.com

Website: www.hrcsomaliland.org