Shirweynaha Hoodaale ee Ingiriiska waxa lagu taageeray musharaxnimada Muuse Biixi

Shir ay isku yimaadeen Qurba-jooga beesha Sacad Muuse oo ka dhacay Ingiriiska ayaa waxa uu ka dhacay magaalada London 27-kii bishan.

Shirkan ayaa waxay kasoo qayb-galayaashu iskaga yimaadeen magaalooyinka iyo gobollada Ingiriiska, shirkan ayaa waxa loogu magac daray Hoodaale.

Ujeedadda shirkan ayaa waxay daarnayd sidii loo dardar gelin lahaa taageerada musharax madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” iyo guud ahaanba Xisbiga Kulmiye muruq iyo maalba, meelna looga soo wada jeedsan lahaa arrintaa iyada ah.

Shirkan ayaa waxa uu ku dhammaaday jawi qurux badan iyo guulo horleh ay gaadheen shirka Hoodaale.

Kadib shirkii ayaa waxa lagu magacaabay guddiyada beeshu yeelan doonto kuwaas oo kale ahaa:

  1. Guddida guud ee Siyaasadda Bulshada Sacad Muuse.
  2. Guddi hoosaadka dhaqaalaha
  3. Guddiga hoosaadka Abaabulka iyo wacyigelinta
  4. Guddiga Nus-dambeedka

Waxaa shirkaa qudbado dhinacyo badan taabanaya kasoo jeediyey Odayaasha, Dumar  Aqoonyahan iyo wax-garad ku hadlayey magaca bulshada magaalooyinka iyo gobollada Ingiriiska sida Bristol, Manchester, Birmingham, Coventry, London, Cardiff, Sheffield iyo Leicester.

 

Waxa warkan soo saaray Guddiga Siyaasadda Sacad Muusee ee Ingiriiska

9