Garashada naftaadu waa guusha noloshaada (WQ: Mubaarik Maal)

Ahow ku kalsoonow nafsadiisa hana ka cabsan in aad guul dareysato ama qalad kaa dhaco waayo ka cabsashada in uu qalad kaa dhaco waxa ay kugu qancin doontaa in aadan isku day samaynin, waxa ayna kaa dhigeysaa qof ka liita guuldareystaha waaye guul dareystaha isku day ayuu sameeyey, xasuusnow in ruux walbo uu qalad ka dhaco ma gefe waa (ALLAH) ee haka welwelin qalad in uu kaa dhaco Allena talo saaro.

Khaladka ugu weyn ee aynu galno waa in aan ku qanacno in aanan waxbo qaban karin ama anagoo guul daro ka baqeyno nafsadeena ka soo qaadno wax aan jirin kuna qancino in ay ogolaato guul daro tan ugu weyn oo ah quusasho iyo kalsooni daro nafsadeed.

Maankana ku hay oo nafsadaada bar in aad keli tahay, guul ama guul darane aad adiga uun isu horseedi karto, iska ilow in ruux kale hoggaamin karo ama kuu soo hoyn karo guul ama guul daro, nafsadaada ku kalsoonow Alle oo keliyana kaalmo weydiiso.

Bar nafsadaada in aysan jirin wax aan macquul ahayn wax walbo oo cid sameysay adigana albaabkeeda kaama xidhna oo waad sameyn kartaa kaliya, waxaad u baahantay in aad u marto wadada ugu haboon isla markaana ha ka baqin guul daro ha kana daalin isku dayga ilaa aad ka guuleysato.

Kalsoonida ma aha in aad wax walbo iskaga dhahdo iskuna furto howlo farabadan oo kala duwan hab aan nidaamsaneyn taas oo soo dadajin karta guul daro kugu abuurta niyadjab, wax walbo u qaabil hab nidaamsan oo taxadar ku dheehan yahay.

ALLA MAHAD LEH

WQ: Mubarak Maal