Shirweynihii 4aad ee Golaha Sare ee Ururka Dhallinyarada Somaliland Y-PEER ayaa ka furmay shalay Magaalada Hargeysa

 

Ururka Maxaliga ah ee Somaliland Y-PEER ayaa waxa shalay Hudheelka Ambassador ee magaalada Hargaysa uga furmay shirweynihii afaraad. Shirweynaha ayaa waxa uu socon doonnaa muddo laba maalmood ah.

Shirweynahana ayaa waxa ka soo qayb dhallinyaro kala socotay dhamaan Gobollada Somaliland. Muddada uu shirku socdo ayaa waxa lagu gorfeyn doonaa wax qabadkii ururka, guulihii uu gaadhay, aqoon laga kordhsaday wax qabadkaas iyo sidoo kale caqabadihii ururku la kulmay.

Sidoo kale waxaa la faqayn doonaa oo wax ka badal iyo kaabis lagu samayn doonaa  xeerka guud ee ururka iyo wax qabadka ururka Y-PEER higsanayo mustaqbalka.

Ugu horeyn waxa shirka ka hadlay Guddoomiyaha ururka Somalilad Y-PEER, Abdiaziz Hersi Warsame oo ku dheeraaday guulihii ay gadheen gaadheen, waxaanu yidhi; “Ururku waxa uu kor u qaaday aqoonta dhalinyarada , sidoo kale waxa uu dhisay xirfadaha dhalinyarada, waxa kale ururku isku xidh u sameeyey dhalinyarada Somaliland iyo kuwa kale ee adoonka.”

Sidoo kale waxa iyaduna goobta ka hadashay Yaasiim Cabdi Cabdilaahi oo ka socotay ururka Qareenada Haweenka, waxaanay tidhi:

“Waxaan ku hamblayeynaa ururka Somaliland Y-PEER in ay qabsanayaan shirweynihiidii. Waxay sidoo kale ku hambalyeysay Ururka Somaliland Y-PEER guulahaas baladhan ee ay gadheen mudaas ay shaqeeynayeen, waxaan ku dhallinyarada ku boorinayaa in ay ka shaqeeyaan joojinta iyo la dagaalnka tacadiya dhanka ah haweenka.”

Sidoo kale waxa kulankan ka hadlay Cabdicasiis Maxamed Farah oo ka socday Ha’yada UNFPA, Waxaanu yidhi;

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Y-PEER ay maanta qabtaan shirweynahoodii afraad. Y-PEER waxay ka mid yihiin ururada dhalinyarada ah ee sid weyn ula shaqayno, shaqadooda aan ka mid nahay. Y-PEER waxaan sidoo kale ku amaanayaa in ay shuurucdoodii dib u eegaan sidoo kalena ay hogaan cusub doortaan.”

Waxa kale oo ka hadlay furitaanka shirka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorsheynta Axmed Cabdi Ismaaciil, waxaanu yidhi;

“Marka kowaad Y-PEER waxaan ku bogaadinayaa in shirkan ay qabsadeen. Waxaan dhamaan dhalinyaradii shirka ka soo qayb gashay ku booriyey in ay dowladooda la shaqeeyaan oo qayb ka noqdaan shirarka iyo kulamada laga hadlayo arimaha iyaga khuseeya. Waxaan ka rabnaa dhalinyrada in ay yimaadaan shirarka iyo kulamada laga hadlayo mustaqbalkooda iyo wixii iyaga khuseeya.”

Ugu dambayntii waxaa shirka si rsmi ah u furay  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqo Gelin iyo Arrimaha bulshada iyo Qoyska, Cabdirashiid Ibraahim Sheikh Cabdiraxmaan, waxaanu yidhi; Shirka ayaa waxa lagu wadaa in golaha sare ay doortaan xubnaha guddiga sare iyo guddoomiye cusub.

“Shirkan aan maanta ka soo qayb galay waxa ii iga duwan yahay shirar badan oo kale oo aan ka soo qayb galay. Shirkani waa shirweyne. Shirarka nooc kale ahi way ku yar yihiin Somaliland. Ururada bushada waxaan ku boorinayaa in ay sida ururka Y-PEER qabsadaan shirweynayaashooda oo ay bartaan sida hogaanku isku badalo. Dooroshada iyo isbadal waxaa ka bilaabayaa ururka aad hogaaminayso. Halkaas ay dimuqaraadiyadu talaa.”

Sidoo kale waxa uu Agaasime Abdirashid yidhi:

“ka wasaarada ahaan waxaanu balan qaadayaa la shaqayn hogaan cusub, iyo ururka Y-PEER ba.

Shirka ayaa waxa uu socon doonaa laba cisho.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com