Ururka Maxaliga ah ee Somaliland Y-PEER ayaa waxa maanta Hotel Ambassador ee magalada Hargaysa ay ku soo gabagabeeyey shirweynihii afaraad ee golaha Sare ee Ururka

 

Ururka Maxaliga ah ee Somaliland Y-PEER ayaa waxa maanta Hotel Ambassador ee magaalada Hargaysa ay ku soo gabagabeeyey shirweynihii afaraad oo socday muddo laba maalmood ah.

Mudadii u shirku socday waxaa lagu ansixiyey xeerka ururka Somaliland Y-PEER. Waxa kale oo lagu ansixiyey qorshaha ururku ku shaqaynayo sadex sanno ee socda.

Waxaa shirka maanta lagu doortay hoggaanka sare ee ururka hoggaamin doona saddex sanno ee socda. Isla hogaankan saree e la doortay ayaa waxay doorteen Guddoomiye iyo ku-xigeen.

Ugu horeyn waxa ka hadlay xafladii lagu soo afmeerayey shirka, Guddoomiyihii shir gudoonka shirka Muuse Jaamac waxaanu ka waramay qaabkii shirku u dhacay iyo qaabkii ay u daadihiyeen mudadii laba cisho ahayd.

Waxa kale ka hadashay shirka Dr. Mariyam Cabdilahi oo ka mid ahayd Shir gudoonka shirka. Waxay Dr Mariam ka sheekaysay qaabkii iyo shuruudihii ay laga rabay qof kasta oo u sharaxnaa in uu ka mid noqdo Golaha saree e Y-PEER Somaliland.  Waxay Y-PEER ku bogaadisay in doorteen board ama gole sare oo hablo u badan.

Maryan waxay kale oo ay tidhi:

“Arintani waxay nadir ku tahay ururada Somaliland, waxaana soo jeedinaya dhammaan in ururada Bulshada ee Somaliland ay kaga daydaan.”

Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Somalilad Y-PEER, Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ku dheeraaday qaabkii sababta keenay in shirka la qabto. Cabdicasiis waxa uu sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay u suurto gashay in guulpo badan gaadhsiyeen Ururka Somaliland Y-PEER sidoo kale uu golaha saree e cusub u rajeeyey in meel meeshaas ka saraysa ay gaadhsiiyaan.

Ugu dambayntii Cabdicasiis waxa uu si gaara ugu mahadnaqay Wasaaradda Xidhidhka Goleyaasha iyo arrimaha dastuurka oo nuqulo ka mid dastuurka Somaliland soo gaadhsiisay dhalinyaradiii shirk aka qayb gashay. Halkaas oo nuqulo ka mid dastuurka Somaliland loogu qaybiyey ka soo qayb galayaashii shirka

Sidoo kale waxa shirka ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee Somalilad Y-PEER Ismaaciil Ahmed-yasin Quule, waxaanu yidhi:

“Waxaan doonayaa in hoggaamina Y-PEER aan balan qaadayo in halkii hore ay soo gaadhsiiyeen Guddidii Saree e hore aan kasii qaadi doono, meel ka saraysa aan gaadhsiin doono Insha Allah”.

Isago hadalka sii watan waxa uu yidhi:

“Waxaanu ixtiraami doona shurrucda ururka iyo qorshe howleedka u dajisan, waxaanan dhallinyarada u dirayaa fariin ah; ha is weydiin waxa aad wadankaagu ku qaban karo ee is weydii waxaa aad wadankaaga u qaban karto.”

Sidoo kale waxa iyaduna goobta ka hadashay Gaashaanle Dhexe Hibo Saciid Saalax oo ka tirsan ciidanka Booliska Jamhuuriyada, Hibo waxa ay ku bogaadisay shaqooyinka ay Y-PEER hayaan oo booliska Somaliland shaqadiisa tageeraya.  Sidoo kale Hibo waxay dhiiri galisay hablihii dhalinyarada ahaa ee shirk aka soo qayb galay. Waxay u sheegtay in meel sare higsadaan. Ugu danbayn Gashanle dhexe Hibo waxay  bogaadisay shirka iyo wax qabadka Y-PEER Somaliland.

Waxa kale oo kulanka hadlay Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaarada dhalin yarada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid; waxaanu ku dheeraatay waxqabadka Y-PEER, waxaanu ku hambalyeeyey hawlaha u qabtaan dhallinyarada, waxaanu yidhi:

“Waxaan ku hambalyeyenaa Y-PEER shirka. Shirweynuhu waxaa ka mid yahay waxyabaaha ku adag ururada maxaliga ah. Ka wasaarada ahaan goob joog ayaanu ka ahayn shirweynaha Y-PEER kana marag kacayaan in uu si calad ah oo habsami ah u qabsoomay.”

Sidoo kale waxa iyaduna goobta ka hadashay Faysa Ibraahim oo ah Madaxa UNFPA ee Somalilad, waxaanay tidhi;

“Waxaan ku hamblayeynaa ururka Somaliland Y-PEER in ay qabsadeen shirweynahoodii afraad. Sidoo kale waxaan ku hambalyeysay Ururka Somaliland Y-PEER guulahaas baladhan ee ay gadheen mudaas ay shaqeeynayeen.”

Sidoo kale Faysa waxay ku hambalyeysay Gudoomiyihii hore ururka iyo agasimaha guud ba shaqadii wacnayd ee ay u qabteen dhalinyarada Somaliland iyo wada shaqayntii fiicnayd ee la lahayeen hay’ada UNFPA.

Waxay kale oo ay Faysa sheegtay in ururka Y-PEER ay ka UNFPA ahaan ku aminaan shaqooyinka adag sida xiligan lagu gudo jiro xanuunka COVID-19.

Ugu damaybayntii Faysa waxay balan qaaday in ay ka Hayad ahaan sidii wadi doonaan wada shaqayntii ay la lahayeen ururka Y-PEER.

 

Sidoo kale waxa kulankan ka hadlay Agaasimaha Wasaarada Beeraha Rooble Cabdi Muuse, Waxaanu yidhi;

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Y-PEER ay maanta kala soo qayb galo shirkooda. Dhowr jeer ayaad ka cudur daarateen in aan goor danbe aanu idinla joogno laakiin ma jirto madal iyo meel ka fiican oo aan xiligan joogi lahayn”

Sidoo kale Rooble ayaa sheegay in beeraha ay ka mid yihiin meelaha fursadaha badani ay ka jiraan ee ay dhalin yaradu u baahan yihiin ay caqligooda iyo tacab koodaba galiyaan.

Sidoo kale Agaasimuhu waxa uu sheegay in urur maxaliga ah ay ku adag tahay in qabsadaan shirweyne laakiin sida Y-PEER oo kale waa in ay qabsadaan oo ay shuruucdooda ixtiraamaan. Ugu danbayntii waxa uu hambalyey Gudoomiyaha iyo golaha saree e la doortay.

Waxaa isna xidhitaankii shirk aka hadlay, Agaasimaha Guud ee Wasaarada waxbarashada iyo sayniska Axmed Abokor, waxaanu yidhi;

“Marka kowaad Y-PEER waxaan ku hambalyeynayaan shirweynahan ay qabsadeen. Ururka Y-EER uu dhalinyarada Somaliland u qabteen wax badan.”

Sidoo kale Agaasimie Axmed Abokor waxa uu sheegay in ururada dhalinyarada ay yihiin meel lagu dhismo oo xirfad iyo tababar badan laga qaato.

Ugu dambayntii waxa uu ku boorinayey dhallinyarada in ay kor u qaadaan aqoontooda waxbarasho ay ilaashadaan wadankooda iyo wadaniyadoodaba.

Ugu dambayntii waxaa shirka si rasmiya u soo xidhay wasiirka wasaarada Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad, waxaanu yidhi;

“Marka hore waxaan hambalyeynayaa hoggaanka cusub ee la doortay iyo sidoo kale waxaan ugu baaqayaa in aan la garab taagnaano wixii talo iyo tusaalayn ah.”

Isagoo hadalkii sii watan waxa uu yidhi:

“Y-PEER waxaan ku bogaadinayaa barnaamijka mutawacnimada ah ee ay wadaan. Dhallinyarada waxaan usoo jeedinayaa in ay is abaabulaan.”

Sidoo kale waxay Cawad ugu baaqay dhallinyaradu ay muhiimad dheerada siiyaan maal galinta iyo bilaabida ganacsiyada yar yar. Ugu danbaymtii waxaan ku bogaadinayaan Y-PEER shirweynaha ay qabsadeen.

Shirweynihii labadii maalmood u dambeeyey ka socday hudheel Ambassador.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com