Somaliland: Duul-duulkii Xasan Guurre, Difaacii Xildhibaan Indho, Deel-qaafkii Riyo-raac Iyo Doodii Nac-nac

Dood aad u adag oo ku saabsan qaabka loo soo dooran doono mustaqbalka Golaha Guurtidda ayaa dhex martay siyaasiyiin kala aragti duwan oo midiba dhinac ka istaagay sida xeer doorasho loogu abuuri karo aqalka odayaasha oo ka mid ah labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland.

Dooddaoo dhex martay Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasa(Indha Indho) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan golaha Wakiiladda. Cabdirashiid Riyo Raac oo ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. Xasan Guure oo ah siyaasi mucaarid ah iyo Axmed Maxamuud Cali oo ka socday ururka Afgarad oo ka shaqeeya arrimaha bulshada ayaa doodad ay iskaga hor yimaadeen ku kala aragti duwanaa qaabka ay noqonayso doorashada Guurtidu.

Doodan oo uu u qabtay HCTV ayaa waxaa dooda laga bilaabay maxaa keenay ama soo cel-celiyay guurtidii dhaxal ayay noqotay iyo dhalinyarro ayaa golihii odayaasha la wareegay oo ma buuxin karaan kaalintii odayaashu ku jireen ee ha la bedelo taasoo inta badan ah kelmad ay ku cel celiyaan siyaasiyiinta mucaaridka ahi.

Doodad ayaa ku bilaabantay su’aasha ah maxaa keenay in mucaaridku in ay golaha guurtida dhaliilaan oo ay yidhaahdaan hala bedelo su’aashaa jawaabteeda ayaa waxaa u baxay oo wariyihii doodda daadihinayay oo ahaa Axmed Cabdiraxmaan Heello hadalkii ugu horreeyay uu siiyay Xasan Guure Jaamac oo ah horjoogaha kooxda la baxday madasha wada tashiga ee aan sharciyadda ku binaysnayn.

“Waxaa keenay laba arrimood, muddada la doortay ee ay gole ahaanayaan marka ay dhammaato hadal wuu imanayaa, waxaana keenaya xilkooda dhammaaday,waxaa goleyaasha muddo kordhin u samaysa golaha guurtida ta ugu badan ee laga hadlayaanna waxay tahay goorma ayay tahay in ay guurtidu muddo kordhin samayso,goorma ayayse guurtidu guurti tahay. Markaa muranka waxaa keenay Guurtida oo muddo dheer fadhiday iyo golihii guurtida oo noqday dhaxal iyo iga durug sida saaxiibkay Saleebaan ku yimi oo imika ay kuba yar yihiin nimankii odayaasha ahaa ee lagu soo dhisay golahan oo imika ay 70 ka mid ahi yihiin dhaxal,”ayuu yidhi.


“Guurti marka aad noqonayso waa in lagu soo doortaa oo aad doorasho ku timaaddo anigu ma ogi mana arag meel ay sharciga kaga jirto in dhaxal lagu noqdo Guurti haddii ay jirtana xildhibaanka ayaa inoo sheegi muddo xileedka Guurtiduna waa lix sanadood illaa 1997 wuu jiray golahani waxaana fadhiya 70 aan cidina dooran,”ayuu yidhi Xasan Guurre.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtidda ayaa daadifeeyay isla markaana wax aan soconaynin ku tilmaamay hadalladii ka soo yeedhay Guddoomiyaha kooxda aan sharciyadda ku dhisnayn ee Madasha.

“Horta muddoba hadalkaasi wuu soo noq noqonayay waanu badnaa haddaba waxa imika keenay haddii aan caddeeyo horta laba guurti ayaanu ahayn oo kala ah tii SNM kala timi Cadaroosh iyo tii Somaliland ee Burco markaa lababa waxay tahay in aynu ixtiraamno labadaas oo kala ah SNM iyo Guurtida oo ah labada aynnu Afrikaba dheer nahay. waad garan kartaa jabhad dal qabsatay iyadoo guurtideedii wadata oo dadkii ay dalka wada lahaayeen ee ay dagaalamayeen u yeedhay oo colaadii nabad ku bedelay qiimaheeda.Guurti reer ahayd oo intay reerihii kale u timi tidhi aynu Guurti wada samaysanona waad garan kartaa qiimaheeda.

Waana inta aynu Afrika oo dhan dheer nahay.haddaan u soo noqdo ta dhaxalka waxaa jira rag waawayn oo markii ay boqolka gaadheen keenay rag xildhibaanno ah oo aan lixdanka ka yarayn guurtidii horena way joogaan rag dhalinyarro ahina way joogaan sida loo sheegayona maaha 70 iyo wax u dhaw toona ee waa illaa afartameeyo. Geeri iyo gabawba way imanaysaa haddaba waxay iswaydiintu tahay marka boos xildhibaan ka mid ah golaha Guurtidu uu bannaanaado ma guurtidaa cid iskaga yeedhata mise sharciga ayaa keenna.
Waxay jawaabtu tahay sharciga ayaa keena ee horta guurtidu cid iskama yeedhato, dadkani beelo ayay ku yimaadeen oo golahan beelaha ayaa keenay marka qofku meesha ka baxo dastuurka ayaa sheegaya oo leh waxaa soo buuxinaysa beeshiisii, Maxkamdda sare ayuu soo maraa baadhitaan caafimaad ayuu soo maraa, raggan dhalinyarrada ah ee golaha fadhiya nin aan shan suldaan iyo cuqaashiisii wadin oo aanay keenin ma jiro guurtiduna uma yeedhato foodna cidi uma qaado oo cod kuma yimaado.”

Xildhibaan Indho oo daba socday hadal ka soo yeedhay Xasan Guurre, waxa uu yidhi “Midna Xasan Guurre waan u caddaynayoo mar haddii Ingiriiskii kala dhaxlayo annaguna waanu kala dhaxlaynaa inamada meesha noogu yimaadaana innamo suuqa uun iska joogay maaha laakiin inanku muddo ayuu la soo shaqeeyaa Aabbihii waana inamo tababaran oo wax badan waalidkood ka dhaxlay oo waliba aqoon leh oo wax akhriya odayaashu iyagu waxba may akhriyi jirine ta kale inamadu markay yimaadaan golaha daf-daf lama soo galaane muddo ayay wax dhegaystaan,anigu waan yaraa markii golaha la I gaynayay 1997-kii markaa golaha waa jaamacad oo markaad ugu yaraan shan illaa lix sanno soo fadhido Xaaji Cabdi ayaa shahaadada ku siinaya oo aqoon iyo waaya aragnimo badan ayaan dhaxlaysaa walina rag waaweyn oo shaqadii qabtaa way joogaan laakiin waxaa badan boosaska dhawr goor la kala dhaxlay oo anigu Alle ha u naxariistee Ducaale wuu dhintay waxaa bedelay Maxamuud Cabdi Shide Alle ha u naxariistee wuu dhintay waxaa bedelay Faysal Cawar Alle ha u naxariistee isna wuu dhintay imika Axmed Maxamed Cabdi Shide,ayaa fadhiya. Inta laba goor iyo sadex goor geeriyi bedeshay ayaa badan oo waa meeshaa la is bedelayo ee dadka kala duwani ay soo marayaan waxaana imanaya dhalinyarro hayadihii sharciga soo maray oo reerkoodii wado oo waalidkiina wax badan ka dhaxlay cid odhan karta naga joogna ma jirto.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho waxa uu sheegay in Guuttidu aanay ogolayn inay dayacmaan carruurtii ay ka tageen Xildhibaanada geeriyoodaa, waxaannu yidhi “Hadaba waxay is waydiintu tahay Golahani muxuu qaban jiray’ Guurtidu waxay dooran jirtay Madaxwaynaha dalka oo intay 300 oo guurti ahi isu timaaddo ayay Madaxwaynaha Qaranka dooran jirtay, taa waxaannu ku wareejinay dadweynaha oo aanu xorriyad u siinay,waxaanu samayn jirnay doorashada golaha wakiilada iyana waxaannu ku wareejinay oo xilkaa imika haya gudiga doora shooyinka, dawladaha hoose annaga(Guurtida) ayaa wax nalaga waydiin jiray ninka Maayea laga dhigayo iyana waanu wareejinay haddii awoodihii aanu ummada u haynay aanu ku wada celinay Xasan waxaan leeyahay ninka halkaa 20 sanno nala soo fadhiyay markuu geeriyoodo agoonta uu ka tegay nagu ag bakhtiyi mayso ee inankiisa ayaa imanaya haddii inan u gala la waayana annagaa sharciyaynayna in agoontaasi ay mushaharkooda qaataan, waanan ka badheedhaynaa haddii adiga iyo Nacnac aad marba makhsin u dawaraysaan agoontii ay ka tageen mujaahidiintii SNM annaga agtayada ku dayacmi maayaan agoonta guurtidu ka tagtaa.”
Cabdirashiid Riyo Raac oo ka socday xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa dhankiisa guurtida ku dhaliilay in ay samayn kari waayeen xeerkii lagu dooran lahaa iyagoo doonaya in ay meesha iska sii fadhiyaan.
“Guurtidu waa gole dalka wax badan u soo qabtay ixtiraamkiisana mudan, laakiin imika markii uu goluhu dhaxal u batay ee wiilal yar yar laga soo buuxiyay, waxaa meesha ka baxday kalsoonidii lagu qabay waxaanay guurtidu samayn kari wayday sharcigii lagu soo dooran lahaa markaa nimanka wax lagu soo doorto samayn kari waayay ee doonaya in ay iska sii fadhiyaan wax kalena qaban kari maayaan.”
Balse Xildhibaan Axmed Maxame Diiriye Nacnac ayaa si adag u beeniyay eedaha uu Siyaasigaas mucaaridka ahi kula dul kufay aqalka Odayaasha,

“Horta labadayada Goleba waxaanu nahay sharci dejin waxaanse ku kala duwan nahay qaabka aanu ku nimi annaga(Wakiiladda) dadwaynaha ayaa na soo doortay, Guurtidana qabiil ayaa lagu soo doortay oo beelaha ayaa keenay markaa marka uu boos ku bannaanaado waxaa soo buuxiya reerka waxaanay soo mariyaan Maxkamada sareiyo caafimaadka ka dibna salaadiintiisa oo wadda ayaa u keena Guddoomiyaha Guurtida isna ma diidi karo oo booska reerkii lahaa ayaa soo buuxiyay. Xagga xeerka Guurtida lagu soo dooranlahaa dhankayaga (wakiiladda)ayuu habsan ku yahay oo uu ka soo bixi waayay oo markaanu nindhaahdo aynu guda galno xeerkii guurtida lagu soo dooranlahaaba dib ayuunbaa loo dhigaa oo xagayaga ayaan xilkaa gudan Guurtidana lagama rabo in ay samayso xeerkii lagu dooran lahaa laakiin cidda laga sugayaa waa anaga ee uu ku maqan yahay inta anaga aanu xeerkaasi naga imanna sidan ayay ahaanaysaa waxaanan leeyahay raggii waawaynaa kamay dhamaan ee way ku jiraan oo Xaaji Cabdiwaraabe oo kale ayaa jooga dee markaa aynu dugsano ayaan leeyahay waa inta aynu dunida kale dheer nahay e oo xataa markii berigii dhawayd Golahayagu isku dhacay waa kuwii noo soo gurmaday ee arrinta dhameeyay.” Lasoco qaybo kale oo doodan ka mid ah caddadyada dambe