‘Somaliland waxay u baahan tahay hoggaamiye adag, Muusena waa hoggaamiye adag” Wasiirka Madaxtooyada

Wasiirka Madaxtoyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta khudbad uu ka jeediyey magaalada Gabiley ku ammaanay doorka ay reer Gabiley kaga jiraan taageerada xisbiga Kulmiye.

Maxamuud wuxu sheegay in uu Kulmiye qabo rajo ka badan tii uu qabay 2010kii oo sida uu sheegay uu xisbigu ku adkaaday afar gobol. “Haatana waxan filaynaa in aan ku darsano Awdal iyo Saaxil” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Maxamuud wuxu sheegay in Somaliland u baahan tahay hoggaamiye adag oo kala dabbaalan kara duruufaha, hoggaamiyahaasna wuxu ku tilmaamay Muuse.

Hoos ka daawo muuqaalka khudbadda Maxamuud Xaashi ee Gabiley.