Soomaaliya oo sheegtay in ay bilaabayaan wada-hadaladii Somaliland

Raysal Wasaaraha-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo wareysi uu siiyey warbaahinta afka xukuumadda ku hadasho ayaa waxa uu sheegay in ay dhowaan bilaabayaan wada-hadaladii ay kula jireen Somaliland.

Maxamed Cumar Carte oo ahaa dadka Somaliland marka la soo qaado dhallinyaradda ku dhiiri gelin jiray, aadna u aaminsanayaa, ayaa waxa uu wareysiga ku sheegay in haatan loo baahan yahay sidoo loo mideyn Soomaali weyn, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Run ahaantii wada-hadalada dib ayay u bilaabmi doonaan, markii 60-ka la isku darsamay, waxa ay ahayd mid ku bilowday qaab wanaagsan, marka runtii waxa ay u baahan tahay in wada-hadalka uu noqdo mid markale la isu keeno Soomaali weyn, oo aysan noqon mid lagu kala tego.”

Sidoo kale waxa Maxamed Cumar Carte sheegay in waxyaabaha la doonayo in ay wadaagaan Soomaaliya iyo Somaliland oo uu ku sheegay wada qaybsiga maamulka maaliyadda, wada shaqaynta maxkamaddaha, fulinta sharuuc dalka loo dajiyey in uu ku dhaqmo iyo arrimo kale.

Xukuumadda Somaliland weli wax jawaab ah kama ay bixin dhawaaqa Soomaaliya ka soo yeedhay.

bandhige@gmail.com