Steve Harvey oo raali-gelin ka bixiyey khaladkii taariikhiga ahaa ee ka dhacay tartankii quruxda adduunka

Majaajileystaha caanka ah ee Steve Harvey ee u dhashay Maraykanka oo daadihinayey tartankii quruxda adduunka ee Isniintii lagu qabtay Las Vegas, Maraykanka, ayaa ku kacay khalad ka af-kala-qaad ku keenay daawadayaashii tartanka kala socday shaashadaha dunida.

Steve Harvey wuxu yeedhiyey in gabadh tartame ahayd oo ka socotay Kolombiya ay noqotay qofka ku guulaystay boqoradda quruxda adduunka. Mashxarad, sacab iyo sawaxan baa is qabsaday. Gabadhii la yeedhiyeyna farxad daraadeed ayay ilmaysay. Waxana dusha laga saaray taashka caanka ah ee la dul dhigo ciddii ku guulaysta boqoradda quruxda.

Ayaan-darro, farxaddaasi ma ay waarin wax ka badan saddex daqiiqo.  In yar kadib ayuu yidhi “raali ahaada…khalad baan sameeyey”, boqoradda tartanka quruxdu waa gabadha ka socota Filibiin.

Yaab iyo amakaag ayaa dadweynihii shaashahadaha caalamka ka daawanayey ku dhacay. Waxayna noqotay in taajkii laga furo haweenaydii Kolombiya ka socotay oo loo xidho haweenaydii Filibiin ka socotay.

Halkii ay ka noqon lahayd goob damaashaad, waxa xafladda gebi ahaan hadheeyey khaladka niyad-jabka leh ee dhacay.

Steve Harvey
Steve Harvey wuxu sameeyey khalad noociisa oo kale dhif yahay

Steve Harvey ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray raaligelin wuxun ayidhi “Boqoradda quruxda ee Filibiin iyo ta Kolombiya labada waan ka raaligelinayaa khaladkii dhacay. Wuxu ahaa khalad si daacadnimo ah iiga dhacay.”

Sidoo kale wuxu yidhi “Maan doonayn farxaddii xalay in aan baabiiyo laakiin wuxu ahaa khalad iga dhacay oo aan masuuliyaddiisa anigu qaatay.”

Labadii gabdhood ee la isku khalday oo waraysiyo bixiyo xafladda dabadeed ayaa labadooduba sheegay sida ay uga xumaadeen khaladka dhacay, waxayna ku tilmaameen in uu ahaa kii ugu xumaa taariikhda ee ka dhaca goob caalamik ah oo xafladeed.

Hoos ka daawo muuqaalka sida ay wax u dhaceen.

Bandhige@gmail.com