Guddida Xakamaynta Sixir-bararka oo la kulmay Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiillada

Guddida Xakamaynta Sixir-Bararka ee dhawaan madaxweynuhu magacaabay ayaa gelinkii dambe ee Isniintii kulan la qaatay Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada.

Shirka waxa guddoominayey Madaxweyne-Xigeenka Somaliland, waxanu daba socday shirar dhawr ah oo ay guddidu hore ula yeesheen qaybo kala duduwan.

Labada dhinac ee shiray waxay lafo-gureen arrimo xambaarsan talooyin iyo tusaaleyaalba, iyadoo halkaas la isku dhaafsaday afkaaro la rajaynayo in ay wax ka taraan xakamaynta sixir-bararka.

Guddida Sicir-Bararka waxa Madaxweyne-Xigeenka ku weheliya xayn wasiirro ah iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe.

????????????????????????????????????

Beryihii ugu dambeeyey waxa kor u kacayey qiimaha Doollarka iyada oo uu Shillin-ka Somaliland-na qiimo beelayey taas oo keentay culays dhaqaale maadaama intii ay lacagtu markii hore goyn jirtay ay maanta wax ka yar goynayso.