Sucuudiga: Haween loo tabobarayo kalkaaliyeyaal duuliye, waxay ka mid tahay isbeddeladda dalkaas ka socda

Shirkadda diyaaradaha Flynas ee fadhigeedu yahay Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay haweenka Sucuudiga u tabobarayso kalkaaliyeyaal baylood ama duuliye, sidoo kalena ay qaadanayso haween ka Sucuudi ah oo ka dhex shaqeeya diyaarada dhexdeeda.

Shirkadda Flynas ayaa sheegtay in ay tallaabadan qaadday iyadoo niyadda ku haysa isbeddelada dhaqaale ee uu gadhwadeenka ka yahay Maxamed Bin Salmaan.

Markii ay diyaaraddu xayaysiisay shaqooyinka bannaan, muddo 24 saacadood gudahood ah waxa ku soo dalbaday 1000 haween ah oo Sucuudiga u dhashay, kuwaas oo qaadan doona tabobarka kadibna ka hawlgeli doona diyaaradaha gudahooda.

Wakhti xaadirkan ma jiraan haween Sucuudiyaan ah oo duuliyeyaal ah ama kalkaaliyeyaal duuliye ah iyadoo aan loo oggolaan jirin in haweenka Sucuudigu ragga dhex galaan shaqooyin noocan ahna qabtaan. Diyaaradaha Sucuudiga waxa ka hawlgala haween u dhashay waddamo kale sida Filibiin.

Bishii lixaad ee sannadkan ayay ahayd markii Sucuudigu haweenkiisa u oggolaaday in ay baabuurta kaxayn karaan, iyadoo uu ahaa waddankii ugu dambeeyey ee haweenku aanay baabuurta wadi jirin.

Sucuudiga ayaa isku dayaya in uu muujiyo furfurnaan badan dumarkana siiyo door ka badan kii ay ciyaari jireen si dhaqaalaha dalkaas loo furfuro korna loogu qaado sida uu marar dhawr ah sheegay Maxamed Bin Salmaan.

Il-Wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com