Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa cadaadis ku saaraya Jordan in ay aqbasho aqoonsiga Trump ee Quddus

Boqor Cabdallaha Jordan

Waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa ugu hanjabaya Jordan (Urdun) in ay dhaqaalaha dalkaas dhaawacayaan haddii uu aqbali waayo aqoonsiga Trump ee Quddus si hore loogu wado hindisaha nabadda ee la sheegay in uu wado wiilka Yuhuudiga ah ee uu Soddoga u yahay Madaxweyne Trump ee la yidhaa Jared Kushner. Sidaa waxa maanta baahiyey telefishanka caanka ah Al Aljazeera.

Hindisaha nabadda ee Jared Kushner ayaan wali dibedda loo soo saarin, haseyeeshee dadka loo oggolaaday in ay khaawisaan waxay sheegeen in uu yahay qorshe aanay Falastiiniyiintu marnaba aqbali karin, isla markaana uu yahay mid ka turjumaya wixii ay Israa’iil muddo dheer raadinaysay.

Tallaabadii koowaad ee lagu madax-jabinayo Jordan ayuu Sucuudigu durtaba qaaday isaga oo xabsiga u taxaabay maal-qabeenka ugu weyn Jordan oo Falstiini ah magaciisana la yidhaa Sabiix al-Masri.

Ilo xogogaal ah oo ku sugan Jordan ayaa tibaaxay in Al Masri fasaxay dad uu la ballansanaa in uu la qadeeyo marka uu ku soo laabto magaalo-madaxda Jordan ee Cammaan maadaama uu xanniban yahay.

80 jirkan bilyaneerka ah ee leh shirkadda Zara Investing Holding isla markaana guddoomiyaha u ah baanka caanka ah  Arab Bank waxa xadhigiisa lagu sababeeyey musuqmaasuq. Hase yeeshee waxa muuqata in lagu dhawaacayo dhaqaalaha Jordan maadaama baankani yahay ka maalgeliya maalgashiyada dalkaas ka socda isla markaana dalkaas u abuura shaqooyinka ugu badan.

Bidix: Amiir Maxamed Bin Salmaan, Midig: Maalqabeen Sabiix Al Masri

Dadweynaha Jordan ayaa ka agagaxay xidhya Al Masri, waxaanay dhegaha u taagayaan tallaabooyinka ku xiga ee laga qaadi doono dalkooda.

Boqor Cabdallaha Jordan ayaa la safatay dalka yar ee Israa’iil ku hoos jira ee Falastiin, kaas oo beryahan ugu dambaysay uu weerarka siyaasadeed ee ugu weyni kaga imanayo Sucuudiga iyo Imaaraadka oo mar ahaa kuwa ugu taageerada badan waddamada bariga dhexe ee taageera qadiyadda Falastiin.

Sucuudiga ayaa si weyn ugu baahan in uu helo taageerada Jordan si loo meelmariyo hindisaha Jared Kushner oo si weyn loo aaminsan yahay in Sucuudigu taageero u yahay.

Waddamada Islaamka oo toddobaadkii ina dhaafay ku shiray Turkiga ayaa meel adag ka istaagay Aqoonsiga Trump ee Quddus.

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige@gmail.com