Sucuudiga oo qarka u saaran in uu qirto dilkii Jamaal Khashuuji

Xukuumadda Sucuudiga ayaa ganacanta ku haysa warbixin ay ku qiranayso dilkii Jamaal Khashuuji sida laga sii daayey telefishanka caanka ah ee CNN.

Jamaal wuxu ahaa suxufi caan ah oo u dhashay Sucuudi Carabaiya, mucaaradna ku ah Boqorka Sucuudiga. Waxaana la waayey 2dii Oktoobar kadib markii uu galay Qunsuliyadda Turkiga.

Warbixintan waxa lagu qoray in Jamaal Khashuuji uu ku dhintay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Turkiga dhexdeeda, kadib markii ay wax ka khaldameen maraanmar iyo waraysi cagajuglayn ah oo lala yeelanayey Jamaal wakhtigii uu safaaradda tagay.

Sucuudiga ayaa labadii toddobaad ee ina dhaafay diidanaa in ninkaasi Qunsuliyadda ku dhex dhintay, wuxuuna ku adkaysanayey in Jamaal uu Qunsuliyadda ka baxay kadib markii loo dhameeyey muraadkii iyo adeeggii uu soo doontay.

Warbixintu sida la sheeay waxay tibaaxaysaa in wariyeyaasha kiiska Jamaal gacanta ku dhigay ay ahaayeen qaar waayo’aragnimadoodu yar tahay sidaa daraadeedna uu ku dhintay jugihii la gaadhsiiyey markii khasabka loo waraysanayey.

CNN waxay sheegtay warbixintan Sucuudiga in ay dhici karto in ay wax iska beddelaan maadaama weli tifaftirkeedii gacanta lagu hayo.

Wakaaladaha caalamiga ah ayaa saaka daabacay in ay suurogal tahay in Maraykanka iyo Sucuudigu ka wada shaqaynayey sidii kiiska meel loogu tiirin lahaa iyadoo uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu shalay sheegay in uu telefoonka kula xidhiidhay Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis iyadoo boqorku Trump u sheegay in aanu waxba ka ogayn kiiska Jamaal laakiin ay suurtogal tahay in rag cadhaysani ay dileen.

Hadalkan Trump ayaa loo arkay in uu ka khafiifsan yahay kii uu darraad ku sheegay in Sucuudigu uu mudan doono ciqaab adag haddii uu ku adkaado kiiska Jamaal Khashuuji.

Turkiga oo warbixino hor dhac ah oo hoose la wadaagay saxaafadda ayaa sheegay in ay ku arkeen Qunsuliyadda caddaymo dheeraad ah oo muujinaya in halkaa lagu dilay suxufiga Jamaal Khashuuji oo wax ku qori jiray jariiradda codka dheer ee Washington Post.

Dawladaha Ingiirksa, Faransiiska iyo Jarmalka oo kulan degdeg ah arrintan ka yeeshay ayaa tibaaxay in ay Sucuudiga ka dalbayaan in uu dhakhso u sheego halkii uu ku dambeeyey Jamaal, isla markaana baadhitaannada la samaynayaa ay noqdaan kuwo lagu kalsoonaan karo. Waddamadan ayaa sheegay in qaddiyadan ay si dhab ah u qaadanayaan isla markaana isha ku haynayaan.

Sucuudiga ayaa fadeexaddan diblomaasiga ahi ku bilaabantay kadib markii Jamaal Khashuuji uu galay Qunsuliyadda Istanbuul 2dii Oktoobar kadibna la waayey raq iyo ruux meel uu ku dambeeyey, dhacdadaas oo kala fogaysay Sucuudiga iyo Reer Galbeedka.

Sucuudiga oo si dadbadan uga jawaabay hanjabaad uu u jeediyey Donald Trump oo ahayd in Sucuudigu la kulmi doono cawaaqib xun haddii uu ku caddaado kiiska Jamaal Khashuuji ayaa sheegay in cumo-qabatayn kasta oo la saaro ay kaga jawaabi doonaan mid ka daran isla markaana ay cirka ku laali doonaan qiimaha shidaalka adduunka.

Bandhige@gmail.com