Wasaaradda waxbarashadu waxay celisay moobaylladii loo adeegsaday qishka, digniin cusubna diray

Wasiirka Waxbarashada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiiray Faratoon iyo Madaxa Imtixaannada Daa’uud Axmed Faarax “Gadhweyne” oo shir-saxaafadeed Hargeysa ku qabtay ayaa soo bandhigay moobaylladii sannadkan laga soo ururiyey ardayda kuwaas oo qish loo adeegsaday. Waxay sheegeen in ay ugu darnaayeen Gabiley, Awdal iyo Togdheer, waxaanay sheegeen in ay wareejinayaan laakiin aanay mar dambe u dul qaadan doonin.