Suldaan Xiiray oo ka dayriyey xaaladda caafimaad ee deegaanadda Cadaadley iyo Sabo-Wanaag

Af-hayeenka Salaadinta Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa ka hadlay baahi caafimaad oo ka jirta Degmooyinka Sabo-Wanaag Iyo Cadaadley oo uu dhawaan booqday.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ayaa sheegay in degmooyinkaasi ay ka jirto baahi dadku u qabaan adeegyadii caafimaadka, waxaana uu yidhi:

Waxaan Doonayaa in aan maanta ka hadlo dhawr qoddob oo khuseeya caafimaadka degmooyinka Sabo-Wanaag Iyo Cadaadley  oo muddooyinkii u dambeeyay la moodo in ay liidato, labadaa degmo ee aan soo sheegay ma laha wax Ambalaas ah ama gaadiidka Gurmadka deg-dega ah oo hadday wax dhacaan lagu gurmado.”

Suldaan xiiray oo ka hadlay sida ay dadka deegaanka u damaqday baahida ay u qabaan adeegyada bulshada gaar ahaana dhinaca caafimaadka ayaa yidhi:

“Sidoo kale dadka deegaanku waxa ay ii sheegeen in dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ay umul arooreen Afar dumar ahi waxaana u sabab ahaa ilaahay ka sokow in la waayay wax lagu soo qaado ilaa halka la yidhaa kaam ugaadh iyo labi-sagaal waxaan Wasaarada Caafimaadka Ka Codsanaynaa in degmooyinkaasi u diyaariso Gawaadhidii Ambalaasyada ahaa.”

Sulaadanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi:

Deegaanka waxa ka dilaacay Shuban biyood Tuulada bali shire la yidhaa Hal qof ama ilmayar ayaa ku dhintay waxaanu leenahay xukuumada ha u gurmato dadkaas shuban biyoodku ka dilaacay Deegaanadoodii ay Daganayeen.”

Suldaan Xiiray Sidoo Kale Waxan u ka hadlay Xaaluf balaadhan oo lagu hayo deegaankaas oo dhirtii la xagaafay waxaana uu yidhi:

Wasaaradda deegaanka waxaan ugu baaqayaa in ay wax ka qabato dhulkan la xaalufinaayo dhammaan dhulkii iyo dhirtii waxa laga shidayaa dhuxul waagii baryaba waxa laga buuxiyaa baabuur waraado ah taasna waxan ugu baaqayaa Wasaaradda Deegaanka.”

Suldaanka oo si gaara fariin ugu diraya xukuumadda waxaanu yidhi:

“Adeer intaad ku meeraysanasaan Hudheelo iyo ciidamo laamidda la wadho, waar dadkiina wax u qabta, dadkani waa kuwaad ku noqonasaan hadhow markaad cod rabtiine.”

Suldaanka waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey baaq uu u diray Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland:

Qoddobka aan ku soo gabagabaynayo waxa weeye Xoolaha Deegaanku waa ay xanuusanayaan gaar ahaan geela wasaaradda xanaanada xoolaha waxaan ka codsanaynaa in ay koox deg-deg ah u dirto deegaanadaasi.”

bandhige@gmail.com