Maraykanka oo duqeeyey guddaha Liibiya

Sida uu sheegay Af-hayeen u hadlay aqalka Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon-ka in ay ka gaysteen weerar gudaha Liibiya oo ay ku beegsanayeen Abu-Nabil oo ah hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Liibiya.

Sida uu Af-hayeenku sheegay weerarkan ayaa la aaminsan yahay in ay uu ku dhintay Abu-Nabil, geerida Abu-Nabil ayaa wiiqi doonta dhaqaaqyada kooxda ee gudaha Liibiya.

Abu-Nabil waxa uu dhalasho ahaan kasoo jeediya dalka Ciraaq, balse haatan ah sarkaalka ugu sareeya kooxda Daacish qaybteeda Liibiya.

Waxa kale oo uu Pentagon-ku sheegay in duqeymaha Liibiya aan jawaab u ahayn weeraradii ka dhacay, balse ay yihiin la qorsheeyey weerarada ka hor.

Sannadkii hore ay ahayd markii kooxda xagjirka ee Daacish bilaabeen hawgaladooda guddaha Liibiya.

bandhige@gmail.com