Suuriya: Cabsi weyn soo food-saartay magaalada Xalab

Ciidamada dawladda Suuriya oo wada weerarada ay ku doonayaan in ay gacanta ku qabtaan magaalada Xalab oo haatan oo go’doonsan ayaa waxa laga dayrinayaa xaalada Xalab oo ay haatanTurkigu bilaabeen in ay caawiyaan dadka Suuriya ee dagaalkani ka soo qaxay.

Raysal Wasaare-ku-xigeenka Turkiga Numan Kurtulmus aya waxa uu shegay in dad gaadhay ilaa 77 kun oo qof haatan ay ku caawinayaan xeryo qaxoonti oo laga dhisay xuduudka u dhexeeya Turkiga iyo Suuriya. Isagoo arrintaasi ka hadlayana wax uu yidhi:

“Waxa lagu dhawaaqay in mustaqbalka dhow, xaaladda ugu xun ee gobolka in 600,000 oo qaxooti ah ay isugu tagi doonaan xuduudda Turkiga iyo Suuriya. Maantana 77 kun oo qof ayaa hoy ka sameystay xeryo ku yaala nawaaxiga xuduudda oo u sameeyeen laanta gurmadka degdegga ah ee Turkiga iyo hay’ado kale. Waxaanu qaabilnay 5,600 oo qof oo Carab iyo qowmiyadda Turkmen-ka suuriya isbuucii lasoo dhaafay.”

Sidoo kale waxa Kerem Kinik oo ah ku-xigeenka madaxa hay’adda Bisha Cas ee Turkiga waxa uu sheegay dhankiisa in xaalladda Xalab ay sii xumaanayso.

Wasiir ka tirsan dawladda mucaaradka ee ku meelgaadhka ah ee Suuriya, Hussein Bakri, waxa uu muujiyay walaaca ay arrintan ka qabaan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

Tani waa duqeyn aan horey loo arag. Waxa ay sababtay in in ka badan 70 kun oo qof ay Xalab ka qaxaan, gaar ahaan waqooyiga. Haddii xaaladda ay sidaan ku sii socoto waxa ay keeni doontaa in illaa 400,000 oo qof ay ka qaxaan gobolka iyo magaalada Xalab. Macadda in Ruushka uu doonayo in uu qabto oo go’doomiyo Xalab sida ka dhacday qeybo ka mid ah Suuriya.”

Suuriya waxa ku loolamaya kooxaha mucaaridka ah, Kooxda Daacish iyo dawladda Basher Al-asad oo ay taageerayaan dawladda Ruushka, halka mucaaridkuna taageero kooban ka helo dawladda Maraykanka.

bandhige@gmail.com