Xoghayaha Qaramada Midoobay oo Edna Aadan ku ammaanay khudbad uu jeediyey

 

Mar kale ayaa la si caalami ah loo aqoonsaday dedaalka iyo naf-hurnimada Edna Aadan Ismaaciil.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo jeedinayey khudbaddii xuska 6-da February oo ah maalinta caalamiga ah  la-dagaalanka gudniinka gabdhaha ayaa khudbaddiisii rasmiga ahayd ku soo hadal-qaaday kuna ammaanay Edna Aadan.

“Waxa qalbigayga taabtay shaqada ay qabtaan bahda caafimaadku, gaar ahaan Edna Aadan oo Somaliland ka hirgelisay cisbitaal hooyooyinka lagu daweeyo kaas oo iyada loogu magac-daray. Edna waxay ku dedaashaa in qof kasta oo hawl-wadeennada caafimaadka ka mid ahi uu diyaar u ahaado sidii uu ula dagaalami lahaa gudniinka gabdhaha” ayuu khudbaddiisa ku yidhi Ban Ki Moon.

Marwo Edna aadan ayaa marar badan ku guulaysatay abaalmarino caalami ah iyada oo lagu sharfo shaqada wanaagsan ee ay ka qabato dhinaca caafimaadka iyo meel-marinta cisbitaalka la mahadiyey ee hooyooyinka iyo dhallaanka loogu adeego ee ay ka dhistay Hargeysa kaas oo shaqaynayey ilaa 2002-dii.

Bahda Bandhige waxay Edna Aadan ku hambalyeynayaan guulaha caalamiga ah ee ay soo hoysay kuwaas oo Somaliland-na sharaf u ah. Waxayna u rajaynayaa in ay dedaalka halkaas ka sii wadi doonto inta u dhadhay nolosheeda.

Bandhige@gmail.com