Suxufiga ruug-caddaaga ah,Yuusuf C. Gaboobe, ayaa ka sheekeeyey laba suxufi oo Talyaani ah oo ku go’doomay Dooxa Ina Higis wakhtigii halgankii

Waxaanu ka mid aheyn ciidan SNM ah oo fadhiisinkiisu ahaa waqooyiga Hargeysa Sept-Oct 1988(Gogolwanaag-Annayo-Xeedho-Gaboobe-Geeddeeble).Laba suxufi oo Talyaani ah oo Dooni ka soo qaaday Jibouti ayaa bishi Sept soo gaadhay xeebta Bulaxaar halkaas oo ciidan Takniko ah oo u watay Faysal Teegaro ka soo qaaday oo uu keenay barti taliska ciidanka oo ku yaalay dooxa Ina Higis ee waqooyiga Hargeysa.Labada suxufi waxa safarkooda Jibuuti ka soo tabaabusheeyey nafti hure marxum Ina Gaabane iyo niman kale.

Laba bilood oo dhan ayaa waxay baadhayeen in xidhiidhkii SNM iyo Itoobiya uu kala go’ay iyo inay SNM tu wali taakulayn ka hesho Itoobiya.Dhawr dagaal oo ciidanki Faqash la isku haleelay Xeedho(duleedka waqooyiga Hargeysa) goob joogbay ka ahayeen.Taakulayn ciidan oo la helo daayo,mujaahidiinta meesha joogtay waxay cuni jireen raashin bilaa milix ah.Shaah isaga hadalkiisa daa oo sonkorba la waayey.Waxaanu aheyn ciidanka SNM ee kaliya ee laamida hoosta ka xigaa(xagga waqooyi) ee xiligaa.Si aanu taliska guud ee qaybta oo Cadaroosh ahaa u gaadhno ama uga soo noqono waxay noo aheyd dagaal aanu markasta Faqashta iskaga hornimaado talowga wadada.

Nimanki Talyaaniga ahaa wax badan ayey keemerooyinkoodii ku dubteen waxayse arkeen in SNM iyo Itoobiya ay u kala dhamaatay oo ay mujaahidiintu ku noolyihiin taageerada shacbigooda iyo kolba waxay Faqashta ka soo furtaan taasoo ay ka mid ahaayeen gaadiid badan iyo saliidda cuntada oo dawladii Talyaanigu ugu deeqday magaca qaxoontiga balse ay mujaahidiintu ka soo qabsadeen ciidamadi dawladda ee Faqash oo ay sawirteen.

Hadaba xiligii loo balansanaa in doonidii dib ugu soo laabato Bulaxaar si ay labada suxufi u qaaddo ayaa doonidi la waayey dabeeto waxay noqotay in labadoodiiba dib loogu soo celiyey dooxi Ina Higis.Malintii dambe ayaanu is-nidhi labada suxufi taliskii qaybta ee Cadaroosh iskaga wareejiya bal iyagu meel uun ha ka saaraane.Hasayeeshee talowgi oo ay aheyd goor casar gaaban ah ayaa waxa wadadi Cabudla’ la isku haleelay ciidan Faqash iyo bas ay wateen.Markii Faqashti lala kacay ayaa waxay mujaahidiintii gacanta ku dhigeen baski oo jawaano jaad ah cabaysan..Waxay noqotay kol hadii ay arladi madoobatay in labadi suxufi dib loogu celiyo dooxi Ina Higis iyadoo nabadgelyadooda la dhawrayo.Habeenkaasi ciidankii iyo Talyaanigaba la wada qayil.

Dhacdadii dagalkii wadada oo ay labada suxufi wada duubteen ayaa waxa ka mid ahaa muj Faysal Shiine(Kileesh)oo Zu qoorta dhinac ka madaneeyey oo markiiba cunaha iyo cankuba xoog u barareen kaasoo qolyo reer Jibuuti ah oo iyagu filmka daawaday oo aanu waa dambe ka wada sheekaysanay ay rumaysan waayeen in Kileesh wali noolyahay.Waxa kale oo joonyadihii jaadka ee la kala boobayey u haysteen inay lacagi ku jirtay kolkaasi yidhaahdeen yaakhi dee malintaas lacagna waa ka dherigteene.

Dhawr maalmood waxaanu labadi Talyaani u talaabinay Cadaroosh.

Takiskii qaybta oo qudhidoodu garan la’ si ay wax yidhaahdaan ayaa waxa soo maray Dr Axmed Cumar Askar.Dhakhtarkiiba intu labadii suxufi gaadhigiisii caafimaadka ku qaaday ayuu Allaybaday ka talaabiyey oo uu u dhiibay masuuliintii UNHCR ee xeradii qaxoontiga ee Dulcad kuwaasoo labadi Talyaani ku wareejiyey Itoobiyaanka balse dhamaan agabkoodii (video iyo qoraalba) u tahriibiyey ilaa Talyaaniga.Labadii suxufi inta la yara xidhay ayaa Adis Ababa loo dhaadhiciyey dabeetana safaaradoodii lagu wareejyey.

Dr Askar oo ahaa ninkii wax kala furdaamiyey waa agaasimaha guud ee cisbitaalka guud ee Hargeysa ee waqtigan.Doonidii labada suxufi Jabuuti ka soo qaaday oo lagu soo kiraystay lacag ku dhaw $40,000 ayaa markay Bulaxaar ka noqotayba ninkii lahaa badda dhexdeeda ku gubay.

Sawirada: muj Moxd Weere iyo mid ka ka mid ah hablihii mujaahidiinta ahaa,muj Cali Cade(afka sigaarka ku haya),mid ka mid suxufiyiintii Talyaaniga ahaa iyo aniga,dooxa Ina Higis,waqooyiga Hargeysa,Oct 1998. Sawirkan waxa ila share gareeyey muj Cali Case.

Xigasho: Barta Facebookaga ee Yuusuf Cabdi Gaboobe