Taageerayaal kasoo diga-rogtay xisbiyada Waddani iyo Kulmiye oo ku biiray UCID

Waxaa maanta magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Tog-Dheer ka qabsoontay xaflad xisbiga UCID ku soo dhoweynayey taageerayaal ka soo diga-rogtay xisbiyadda Waddani iyo Kulmiye.

Xafladdan oo ahayd mid ilyartu is qabtay isla markaana loo soo agaasimay si heer sare ah ayaa waxa ka soo qeyb galay Wafti balaadhan oo ka soo kicitimay Hargaysa oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, kaas oo ay xubno ka masuuliyiin ay ka mid yihiin Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Ee Xisbiga Cabdiqani Salaf, Afhayeenka Guud ee Xisbiga UCID Maxamed Xasan Shabaash, Xoghayaha Golaha Fulinta Axmed Kuwiik , Xoghayaha DhaLlinyarada Ee UCID Cabdishakuur Bidhaan, sidoo kale waxaa munaasibaddani ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee UCID Aadan Dirir, Madaxda UCID ee Gobollada Sool, Buuhoodle, Sanaag iyo taageeraal kale.

Waxaana ugu horeen halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Todheer ee UCID Aadan Dirir Waxaanu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay taageerayasha ku soo biiray UCID.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay taageerayashan iyo garabyada miisaanka leh Gobolka Togdheer ee ku soo biiray UCID.

Madaxda Xisbiga UCID ee heer Gobolka Gobol iyo heer Degmo ee Gobollada Bariga Somaliland oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si farxadi ka muuqato Xisbiga ugu soo dhaweeyay taageerayaashaa ka soo digo-rogtay xisbiyada Waddani iyo Kulmiye.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo gabogabadii xafladdaasi ka hadlay ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysaa, isagoo ugu horeen halkaasi ka yidhi weedho soo dhaweyn ah oo uu ku soo dhaweynayey taageerayaasha ka soo digo rogtay Kulmiye iyo Waddani ee ku soo biiray xisbiga UCID.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa soo dhaweeyay heshiiskii Dp World ay la gashay Somaliland ee lagu horumairnayo Dekedda Berbera, Waxaanu sheegay in heshiiskaasi noqon doono mid taariikhda u gala Madaxweyne Siilaanyo.

Guddoomiyaha ayaa mar uu ka hadlayay doodda la galiyay xuska 18-ka May,  ayaa waxa uu sheegay in qofka dood galiyaa 18-ka May uu yahay qof aan habeenna  jirin.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxa uu ku dheeraaday hagardaamooyinka ay Soomaaliya u maleegayso Somaliland, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto cid kasta  oo cadaw ku ah qaddiyadda iyo gooni isu taagga Somaliland.

Ugu danbeentii Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa bulshada reer Burco u sheegay in doorkani yahay doorkii xisbiga UCID uu talada Dalka qaban lahaa,  waxaanu sheegay in doorkii hore uu marti u ahaa Galbeedka Burco balse uu doorkan marti u yahay Bariga Burco.

Si kastaba ha ahaate waxa xafladaasi gunaanadkeedii lagu soo bandhigo ciyaaro dhaqameed kala duwan oo bulshada reer Burco dhaqan u leeyihiin iyo suugaan kale duwan.

IMG_0985 IMG_1137

bandhige@gmail.com