Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โCirroโ oo isla maanta uun gelinkii hore dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu ugu maqnaa dalalka Maraykanka iyo Kanada, ayaa xarunta aqalka Golaha Wakiilada Somaliland kulan kula yeeshay safiirada dalwadda Ingiriiska u qaabilsan dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba sida oo kale safiir ku-xigeenka isla dawladdaas Ingiriiska u qaabilsan dalka Itoobiya oo socdaal ay ku joogay magaalada Hargeysa.
Kulan oo albaabadu u xidhnaayeen, ayaa waxa Guddoomiye Cirro ku wehelinaayey Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee aqalka golaha Wakiilada Somaliland Dr.Cali Yuusuf, waxaana markii uu soo idlaaday warbaahinta uga warbixiyey u jeedka kulankaasi Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo sheegay in kulankan ay safiirada kaga wada hadleen xidhiidhka dawladdaha Ingiriiska iyo Somaliland, horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay iyo weliba sida oo kale arrimo la xidhiidha doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Weftigu saaka ayey yimaadeen, waxa ay la kulmayeen xukuumadda, anaguna waanu kulanay haddeer(maanta), waxaana aanu ka wada hadalnay guud ahaan uun arrimaha Somaliland ka socda ee horumarka, diiwaan-gelinta, doorashooyinka iyo xidhiidhka Somaliland iyo dawladda Ingiriiska.”