Midowga Yurub waxa uu dalbaday gargaar lala soo gaadho muhaajiriinta

Madaxweynaha Midowga Yurub Donald Tusk oo ka hadlayey shirka waddamada G-7 ee Warshadaha ku hormaray ayaa waxa uu waddamada dunida ugu baaqay in ay gargaar la soo gaadhaan qaxoontiga dunida ku tabaalaysan gaar ahaan ku Yurub ku soo qulqulaya.

Madaxweynuhu waxa uu waddamada G-7-ka ugu baaqay in ay garab laxaadleh ka gaystaan taageerada Yurub u fidiso qaxoontiga, balse aanay cambaarayn oo kaliya.

Wadamada Yurub oo inta badan gargaar u fidin jiray qaxoontiga ayaa waxay haatan la tacaalayaan sidii ay u xakamaym lahaayeen qaxoontigan buux dhaafiyey Yurub. Qaar ka tirsan wadamada Yurub ayaa waxay samaysteen shuruuc adag oo ay hayโ€™adaha u dooda xuquuqda aadumuhu ku tilmaameen in ay xuquuqda aadamaha sharciyadani baalmarsan yihiin.

Bil kasta waxa Yurub gala qaxoonti lagu qiyaaso kumanaan qaarkood ka soo carareen colaadaha ka socda Beriga Dhexe iyo Afrika.

Badanaa dadka qaxoontiga Yurub gala ayaa waxa la kulmaan inta ay sii socdaan dhibaatooyin halis ah kuwaas oo qaarkood doonyo kula gadoomaan baddaha.

bandhige@gmail.com