Hal-abuur Maxamed Cabdi Basbaas wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka tirada yar ee Fanka iyo Masraxa Soomaalida ku soo dhex jiray tan iyo markii Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, wuxuu Abwaan iyo Majaajilayste Maxamed Cabdi Basbaas uu ka mid ahaa Fannaaniintii kaalinta muga leh ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta waddanka.
Sideedaba Fannaanku ma dhaqdo hanti balse waxa hanti uu ku meel maro u ah Bulshadiisa,iyo Dawladiisa, taas oo macnaheedu yahay hantidiisu waa magac qudha, iyadoo ay sidaas tahay wuxuu Hal-abuur Maxamed Cabdi Basbaas uu dhawrkii bilood ee u danbeeyay xaalad Caafimaad u Jiifay Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargeysa, muu helin xurmadii uu ka mudnaa Qarankiisa, muu helin daryeelkii waayeelnimo ee uu mudnaa.
Maxamed Cabdi Basbaas wuxuu ku suknaa labadii sanno ee u danbeeyey bukaan socod, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta haatana ah Wasiirka Xannaanadda Xoolaha ayaa badhtamihii bishii labaad ee sannadkan oo uu Xilka Wasaarada Warfaafinta ku wareejinayay Wasiir Caddaani wuxuu madashaas ka sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo ka ogolaaday 9 xubnood oo ka mid ah Hal-doorka Warfaafinta oo xaalado Caafimaad la soo derseen, waxa dadkii uu Wasiir Cukuse xaadiriyey ka mid ahaa Maxamed Cabdi Basbaas oo Xiligaas lagu hayay Gurigiisa Hargeysa.
Hasa yeeshee maalmo kooban kadib markii ay xaaladiisu ka sii dartay waxa la dhigay Cisbitaalka Guud, Hal-abuur Maxamed Cabdi Basbaas waxa ku booqday Cisbitaalka Guud Wasiirka Maddaxtooyadda Maxamud Xaashi Cabdi oo uu weheliyo Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo isagu ahaa masโuulka sababta u ahaa in uu Madaxtooyadda geeyo warka sheegaya in Basbaas uu yaalo Cisbitaalka Guud.
Wasiirka Madaxtooyaddu wuxuu balanqaaday isagoo dul taagan sariirta uu ku Jiifay Hal-abuur Maxamed Cabdi Basbaas in uu Madaxweynaha u ku wargalin doono xaaladiisa Caafimaad, isagoo intaas ku daray in Qaranka Somaliland wixii awood ah ee Caafimaadkiisa wax lagaga qaban karo in ay u huri doonaan.
Balanqaadkaas waxaa laga joogaa ku sinaan laba bilood, xitaa Wasaaradii uu ka tirsanaa ee Warfaafintu kama warhayso, lagama bixin Kharashka daawooyinka iyo Jiifka ee Cisbitaalka iska dhaaf in dibed loo qaadoโe.
Alle ha u Naxariistee Abwaan Cali Sugule ayaa hore u Yidhi.
โHadduu Geel ilmihii Korsado,
Gobina Meecaado
Gabadhii ku Maahmaahday
Waa Gaari la Hubaaye
Kol hadaanad geerida horteed
ย Geesiga aqoonsan,
Goblan weeye Soomaaliyeey Garashadaadii?โ
Abwaan Kale ayaa Isna laga hayay .
Ma Gudaan Nin Qaaliya
Ilaa Qaamukii Galo.
Qadhiidh uma Hurtaan
Iilse waw Qodi taqaanaan.
Kol hadii garashadii Xukuumaddu sidaas tahay waxaa isweydiin leh yaa u maqan Fannaan Maxamed Cabdi Basbaas, waa Bulshadiisa waa kuwii uu u adeegayay, waa raasamaalka qudha ee uu adduunka ka haysto, waa waajib ina wada saaran in xaalada Abwaankan loo guntado sidii wax loola qaban lahaa inagama mudna in sidaas ay xukuumaddiisii ku eeganayso inaguna ku eegno.
Muuqaalkani Waa Maalintii uu Wasiirka Madaxtooyadda iyo Xooluhu booqdeen Abwaan Basbaas Ila Daawo Kadibna Goโaan qaado.
Waxa Qoray: Maxamed Xasan