Waa kuma hoggaamiyaha cusub ee Daalibaan?

 

Ururka Daalibaan ayaa Arbacadii shalay u doortay Mullah Haybatullah Akhunzada in uu noqdo hoggaamiyahooda cusub kadib markii Maraykanku duqayn ku dileen hoggaamiyihii hore Mullaah Akhtar Mansour.

Wararka ay baahinayaan mac-haydyada daraaseeya arrimaha Daalibaan waxay tibaaxayaan in hoggaamiyaha cusub Mullah Haybtullah uu ka xag-jirsan yahay hoggaamiyihii isaga ka horreeyey isla markaana uu yahay shakhsi aad u naxariis daran.

Mullah Haybatullah wuxu soo caan-baxay wakhtigii ay dawladdii Daalibaan ka talinaysay Afgaanistaan isaga oo lagu xasuusto xukuno arxan darro ah oo uu ridi jiray wakhtigii uu xaakinka dawladdaas u ahaa.

Mullah Haybatullahi waa dhawr iyo konton jir ka soo jeeda gobolka Qandahaar. Wuxu ka mid yahay mujaahidiintii la dagaaladantay Midowgii Soofiyeeti sannadihii 80-maadkii. 1994-kii ayuu ku biiray Daalibaan isaga oo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Milatariga. Waxa xilkaas u magacaabay aasaasihii Daalibaan Mullah Maxamed Cumar oo doonayey in Haybatullah uu noqdo nin kooxda awood ku dhex leh.

Mullah Haybatullah waxa kale oo uu caan ku ahaa sida uu u maamulo qaraxyada iyo weerrarada ay kooxdani gaysanayso markii uu ku xigeenka u ahaa Mullah Akhtar Mansuur.

Sami Yousafzai oo dhawr jeer la kulmay hoggaamiyaha cusub ee Daalibaan wuxu yidhi “Mullah Haybatullah wuxu ka soo jeedaa qabaa’ilka reer-miyiga ah ee Afgaanistaan. Ma yaqaano xataa sida moobaylka loo isticmaalo. Waa nin leh dhaqanka reer-miyiga, mana helin fursad uu aragtidiisa ku ballaadhiyo.”

Kooxda Daalibaan ayaa si xun uga baqda Mullah Haybatullah iyagoo xusuusan dhaqankiisii wakhtigii uu ahaa xaakinka. 2015-kii markii la doortay hoggaamiyihii isaga ka horreeyey Mullah Akhtar Mansuur, khilaaf baa ka dhex dhacay Daalibaan. Mullah Haybatullah wuxu ku dooday in dil toogasho ah lagu filiyo qofkii Daalibaan ah ee la arko isaga oo ka soo hor jeeda hoggaamiyahooda.

Rajadii laga qabay wada-hadallada u dhaxeeya Daalibaan iyo xukuumadda Afgaanistaan waxay sii galaysaa meel cidhiidhi ah.

“Halkii wada-hadallada laga bilaabi lahaa Daalibaan waxay hadda ku mashquulsan tahay sidii loogu aari lahaa hoggaamiyahoodii Mullah Akhtar Mansuur oo Maraykanku khaarajiyeen” sidaa waxa yidhi sarkaal Daalibaan ah oo ka cudur-daartay in magaciisa la sheego.

Daalibaan ayaa la filayaa in ay sannadkan kordhiyaan guluflkooda si ay dunida u tusaan in aanay waxba u waayin hoggaamiyahoodii laga dilay.

Bandhige@gmail.com